Muqdisho[RBC Radio]Sida uu xaqiijiyey sargaal ka tirsan ciidamada Uganda ee qeybta ka ah ciidamada Soomaaliya nabad ilaalinta u jooga ee AMISOM,waxaa shaqadii laga casilay 20 ka mid ah ciidamada wadaan kaas ee ku sugan guddaha Soomaaliya kadib qaladaad ay galeen.
Waxaa la sheegay in ciidamada shaqada laga casilay inay ku lug lahaayeen musuqmaasuq ay kamid tahay gadashada raashin iyo shidaal loogu talagalay ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya,taaso dhalisa in gudd ahanba ay waayan shaqadii ay hayeen.
Xubnaha xiligaan shaqadooda suragal ay tahay inaa waayan waxaa ka mid ah madaxa ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya Michael Ondoga oo baaritaanno ay ku socdaan iyadoo dhammaanba saraakiisha la eedeeyay looga yeeray Uganda si baaritaano loogu sameeyo.
Sidoo kale war ay kasoo xigatay wakaaladda wararka faransiiska ee AFP wasaaradda gaashaan-dhigga ee dalka Uganda,waxaa lugu sheegay in haddii ay arrintaan ay caddaato aynoqonayso mid dhaawacda sumcaadi ciidamada dalka Uganda kasocday ee qeybta ka ah AMISOM.
Waxaa la tilmaamaya in arrintaan ay ka danbaysey ka dib markii cabasho badan ay kasoo yeeraytay ciidamada Uganda ee ku sugan guddaha Soomaaliya kuwaaso dacwada ka dhan ah saraakisho ugudbiyey wasaaradda gaashaan-dhigga ee dalka Uganda,kadib markii ay sheegen inay wadadaan musaq maasuq bahsan oo ay ibsadan dhamaanba sadkii ciidamada loo keenay.
Warar ka imaanaya dalka Uganda ayaa sheegaya in madaxweynaha dalkaasi uu qorsheynayey inuu u magacaabo madaxa ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya Michael Ondoga xilsare oo ka sareya midka uu hadda haye balse taas la baajiyey markii ay soo baxday eedeyntan.
Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah ciidamada AMISOM ayaa ah kuwa ugu tiradda badan,waxana laga cabsi qaba haddii ay caddaato eedeynta loo haysto qar ka mid ah saraakisha ciidamadasan inay caqab ku noqondoonto taageeradi iyo malgalinti ay ka heli jireen wadammada xubnaha ka ah ururka Midowga Yurub.
__________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio