Brussels[RBC Radio]Guddoomiyaha guddiga Reer Yurub Jose Manuel Barroso ayaa ku dhawaaqay in lacag gaaraysa $862 milyan ugu deeqen Soomaaliya.
Yaboohan lacageed ayuu ugu dhawaaqay Mr.Manuel Barroso shirka caalamiga ah ee maanta ka furmay magaalada Brussels ee looga hadlayo sidii Soomaalida loo gacan qaban laha,lana siin laha taageero dhinacyadda maaliyadda ubadan si ay uga samatabaaxan xaaladda ay ku jireen muddada 22-sanno.
Waxaa la sheegay in deeqadaan lacageed ee uu Midowga Yurub ugu deeqay Soomaaliya lugu qaban doona loona adagsan doono qorshaha dib u dhiska Soomaaliya ee saddexda sano ee soo socota, sida uu sheegay Barroso.
…”"”“Waxaa wax nafarxad galiya ah inaan ku yabooho 650 milyan oo Euro oo lacag dheeraad ah oo lagu taageerayo wejiga cusub ee dib u dhiska Soomaaliya,maadama ay dabadheeraatay dhibaatadda soo noq noqta ee ka jirta gudda Soomaaliya,xiligaan waxan qorsheynanaya in laga gudbo dhibaatadda si Soomaalidu ugu soo kabsadaan 22-sanno wixii ka jiray dalkooda..”"” Barroso ayaa u sheegay wariyaasha,waxana uu intaa ku daray in lacagtan ay dheeraad ka tahay 1.2 bilyan oo Euro oo Midowga Yurub uu ku bixinayay arrimaha Soomaaliya tan iyo 2008.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Sidoo kale dowladda Britian waxay sheegtay inay iyadu si gooni ah ugu yaboohi doonan Soomaaliya $79 milyan oo loogu gargaarayo Soomaaliya,waxana ay Britian intaa ku dartay in xiligaan ay marayaan Soomalaida xiligii ay ka bixilahaayeen xaaladdii ay ku soo jiri jireen.
Waxaaa jirta in madaxda Reer Yurub rajo weyn ka qabaan in deeq-bixiyayaasha caalamiga ah ee ku sugan shirka ay ku yaboohi doonaan lacag ka badan hal bilyan oo Euro oo lagu taageerayo qorshaha dib u dhiska Soomaaliya.
Waxaa lugu wadda in saacado kadib uu soo gaba gaboobo shirka arrimaha Soomalaida ee maantay furye,iyadoona la filayo in taageero mugweyn ay Soomaalida ka heli doonan shirkaasi.
_________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio