Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

DEG DEG: Shirkii Brusless oo la soo gaba gabeeyey [DHAGAYSO]

$
0
0
Shirkii  Brusless oo la soo gaba gabeeyey iyo madaxweyna oo faah faahin ka bixiyey

Shirkii Brusless oo la soo gaba gabeeyey iyo madaxweyna oo faah faahin ka bixiyey

Brusless [RBC Radio]Waxaa saacado ka hor la soo gabagabeeyey shirkii maalinta socday ee saakay ka furmay magaalada Brusless ee caasimada Belguim ,kaaso loogu magac daray hiigsiga cusub ee New Deal ee Soomaaliya.

Xiligii uu soo gabagaboobey shirka waxaa shir jaraa’id wada qabtay madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Kathrine Ashton oo ah xoghayaha arrimaha dibada ee midowga yurub ahna madaxweyne ku xigeenka midowga yurub,waxana ay hadalkooda uga warbixiyeen arrimihii shirka ka soo baxay iyo tiradda taageero ee Soomaaliya loogu yaboohay.

Waxaa ugu horen labada dhiban ay caddeyeen lacagtii ay wadamada reer yurub ugu yabooheen dowlada federaalka ah ee Soomaaliya, lacagtaaso lugu waddo in saddexda sanno ee soo socada dalka wax looga qabto.

Xassan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu horen hadal ka qaatay waxana uu sheegay in shirka lasoo gabagabeeyey uu ahaa mid wax tar uu ah Soomaalida maadama xilligaan ay heelen dhaqaalo lugu samatabixin karo dalka,waxana uu inta ku daray in dowladda soomaaliya loogu yaboohay lacag ka badan1.8bilyan oo Euro.

Sidoo kale madaxweynuhu waxaa uu sheegay in shirkan uu ka duwanyahay shirarkii hore loogu qaban jiray soomaaliya,maadama balan qaadkaasi lagu saleeyay baahida iyo muhiimadaha ay soo bandhigeen dadka soomaaliyeed,ka dib seddax bilood oo wada tashi balaaran la sameeyay lana soo badhigay baahidaas oo laga soo uruuriyay guud ahaan dalka soomaaliya.

Madaxweynuhu waxaa uu tilmaamay in guddi loo saari doono sidii ay dabagal ugu sameen lahaayeen dowladdihii balanqadka lacageed sameeyey si aysan u imaan dibu dhac ku yimidaama qorshayaasha loogu talagalay in lugu qabto lacagaha xiliigaan labana qaaday oo ay dowladda u qondeysey muddada saddexda sanno ah.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Halkaan ka Dhagayso Madaxweyne-Xasan-Sheekh-Maxamuud

Waxaa uu tilmaamay madaxweyne Xassan in lacagta la yaboohay ay dhamaanteed leeyihiin shacabka soomaaliyeed,iyadoo la sameeyay qaab lagu maamulo lacagtaasi,dowlada soomaaliyaa iyo wadamada bixinayana ay hoggaamin doonaan maamulka lacagtaasi.

Waxaa lugu wadda in xoogga la saaro saddexda sanno ee ina soo aadan lacagaha dowladda Soomaaliya loogu yaboohay sida uu sheegay madaxweynuhu waxbarashada,caafimaadka,ammaanka,cadaalada,dib u heshiisiinta,iyo dib u dhiska nabadda.

Shacabka Soomaaliyed ayuu madaxweynu u sheegay in xiligaan beesha caalamku usoo jeedan loona baahan yahay in shacabka Soomaaliyed isku tanaasulan,islamarkaanna loo bahan yahay inay iska garab siiyan horumarinta dalka.

Waxaa uu noqonaya shirkaan ku soo gaba gaboobey saacado ka hor magaaladda Brusless ee caasimada Belguim kii ugu horeeyey ee ay dowladda Soomaalidu horgayso qorsho ay ugu bixi karto baahideda,isla markana lugu gaari karo sidii looga bixi lahaa dhibaatadda dalku uu ku jiray 22-sonno.

____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles