Baydhabo (RBC) Boqollaal dadweyne ah oo ka kala yimid xaafadaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa maanta mudaaharaad ka dhigay bartamaha magaalada Baydhabo iyagoo si weyn u dhaleeceeyay shirka maanta ka furmay magaalada Brussels.
Mudaaharaadayaasha ayaa socod ku soo maray xaafadaha magaalada iyagoo ugu dambeyntii isugu soo ururay xarunta maamulkadegmada Baydhabo halkaasoo ay dadka ku muujiyeen sida ay uga careysan yihiin shirka.
Qaar ka mid ah mudaaharaadayaasha oo sitay boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo ay ku diidan yihiin shirka New Deal ee Soomaaliya kaasoo saaka ka furmay magaalada Brussels ee xarunta wadanka Biljamka.
Dadka mudaaharaadka ka qeybqaatay ayaa sheegay in gobollada Baay iyo Bakool aan laga qeybgalinin talooyinka looga arrinsanayey shirka iyagoo sheegay in dawlada federaalka Soomaaliya ay ka goosteen.
Dadka ayaa sidoo kale sheegay inaysan soo dhoweyn doonin natiijada ka soo baxda shirweynaha Brussels ka socda ee dhaqaalaha loogu ururinayo dawlada federaalka Soomaaliya.
Mudaaharaadka ayaa ku soo beegmay xilli saaka uu ka furmay Brussels shirkii higsiga cusub ee Soomaaliya kaasoo dawlada federaalka ay saaka ku soo bandhigtay codsi dhaqaale ka badan 3 bilyan oo doolar si loogu socodsiiyo hawlaha dib u dhiska dalka illaa sanadka 2016.
RBC Radio