Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo shirka maantay furmay oo ka dhacay Brussels [Sawirro]

$
0
0
Dibad bax ka dhacay Brussels

Dibad bax ka dhacay Brussels

Brussels[RBC Radio]Kadib markii uu maantay dalka Biljimka ka furmay shir looga hadlayo arrimaha Soomaalida,ayaa sidoo kale waxaa dalkaas gaar ahana halka uu shirka ka furmayo ee ah Brussels ka dhacay bannaanbax ka dhan ah shirkaas oo ay dhigeen Soomaali badan oo halkaasi isugu soo baxday.

Siyaasi Maxamed Cali Madhoodhe

Siyaasi Maxamed Cali Madhoodhe

Bannaanbax looga soo horjeedo shirka maanta ka furmay magaalada Brussels ee dalka Biljimka ayaa waxaa uu ka dhacay afaafka hore ee hoolka uu shirku ka furmay,waxana la arkayey dadka dibad baxa dhigaya oo wata boorar ay ku qoran yihiin erayo ka dhan ah shirka oo ay ku diidan yihiin.

Waxaa la sheegay in dadka bannaanbaxa dhigayay ay ka kala yimaaden waddamada Yurub, sidoo kale dadka dibad baxa dhiga ayaa waxaa la tilmaamay inay ka soo jeeda deegaannada maamulka Khaatumo State, waxana ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku muujinayeen in shirka aan lagu casuumin maamulkooda, halka maamullada kale ay goob-joog ka ahaayeen shirka.

Sidoo kale waxaa banaanbaxaya Dad kasoo jeeda Deegaanada Puntland oo hagaaminayo Siyaasi Maxamed Cali Madhoodhe.

Qar ka mid ah dadka bannaanbaxa dhigayey ayaa iyaguna ahaa dad Jabuutiyan ah kuwaaso ka soo horjeedey siyaasadda madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ka mid ah madaxda shirkaan ka qeyb galaysa.

Si kastaba shirkan ayaa ah mid lugu doonayo horumarinta Soomaalida oo muddo 22-sanno kusoo jirtay bur bur iyo dowladda la’aan.

2

3

1379324032633

1379324125727

 

_________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles