Qardho [RBC Radio] Dhawaan ciimadamada amaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo ay lasocdeen 5-gabdhood kuwasi oo loga shakiyay inay si xatooya ah ay usoo ka xesteen iyadona ay ciidamadu ku qabteen koontroolka koonfureed ee magaaladda Qardho ee xarunta gobolka Karkaar xili ay lasocdeen gari safar ah kaasi oo kusii jeeday magaaladda Boosaaso.
Ciidamada ayaa 5-gabdhood ku warejiyay wasaaradda Haweenka puntland kuwasi loo soo gudbiyay magaaladda Garoowe ee xarunta Puntland.
Qaar ka mid ah waladiinta dhalay 5-taasi gabdhod oo caawa warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ay iyagu dhaleen islamarkana ay ahyeen kuwo kusii jeeday magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ,waladintaan ayaa in taasi ku daray in gabdhahooda an si xatooyo ah lasoo kaxeynsan balse uu ahaa safarka ay soo galeenm safar ay walidkood la ogaayen labada nin ee ay lasocdena ay ahyeen kuwo Qaraabadooda ah oo ay usoo wakiisheen si ay ugeyan magaaladda Boosaaso maadama gabdhani ay ahaayeen kuwo da’yar.
“Gabdhaha anaga ayaa dhalnay waxana ay ka yimaaden tuuladda Xawaadley ee ka tirsan degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxana ay usocdeen magaaladda Boosaaso anaga ayana kusoo darnay labada nin ee waday mana aysan soo soo xadin marka Puntalnd waxan ka codsanaynaa inay soo siidaayan labada nin ee ay xireen gabdhahenana ay dib nogu soo celiyaan”waxaa intaa sheegtay xili ay lahadlaysay warbaahinta guda waalidinta dhalay 5-gabdhood iyo laba nin oo waday oo ay Puntland gacanta ku hayso.
Dhinaca kale hadal kasoo baxay wasaaradda haweenka Puntalnd ayaa lugu sheegay inay gabdhahani gacanta ku hayso wasaaradu islamarkaana ay soo gaarsiyeen ciidamada amaanka Puntland.
Agaasimaha guud ee wasaaradaas c/qaadir Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay celin doonaan gabdhahan ayna geyn doonan gobidhii laga keenay, inkasto ay horay wasaaraddu u sheegtay inay gabdhahaani yihiin kuwo si xatooya ah loo soo kaxestay.
Ariintan ayaa kadan baysay kadib marki gacanta lagu dhigay labo nin oo looga shakiyay inay soo xadeen 5-gabdhood oo ku waheliyay gaari ay ugu safrayeen magaaladda Boosaaso.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio