Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Shir looga Hadlayey Adkeynta Shuruucda Gaadiidka iyo Bixinta Canshuuraha Dalka oo Muqdisho ka Dhacay

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Wasaarada warfaafinta Isgaarsiinta iyo gaadiidka ayaa maanta kulan la qaadatay iskaashatooyinka gaadiidleyda Soomaaliyeed shirka maanta ayaa waxaa looga hadlayey adkeynta shuruucda wadida gaadiidka dhulka waxaana ka qayb galay wasiirka wasaarada warfaafinta,isgaarsiinta iyo gaadiidka mudane C/laahi Ciil-mooge Xirsi iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradaas.

Wasiirka wasaarada warfaafinta ,isgaarsiinta iyo gaadiidka C/laahi Ciil-mooge ayaa sheegay in masuuliyiinta ka socotay iskaashatooyinka gaadiidka Soomaaliyeed ay ka mid ahaayeen waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay ka wada hadleen adkeynta shuruucda gaadiidka wuxuuna sheegay in dhawaan wasaaradu ay soo saari doonto shuruuc lagu hagi doono gaadiidka dalka isla markaane wuxuu ballan qaaday in lasoo nooleyn doono dhamaan astaamihii iyo shguruucdii u dagsanaa gaadiidka.

Ciil-mooge ayaa sidoo kale sheegay iney gaadiidleyda ay la kulmeen maanta ku booriyeen bixinta canshuurta dalka oo dhawaan laga hirgalin doono guud ahaan dalka wuxuuna sheegay iney isku afgarteen iskaashatada gaadiidleyda iney ka qayb qaataan soo celinta iyo adkeynta shuruucda u taala gaadidka iyo bixinta canshuurta.

Wasiirka ayaa dhanka kale tilmaamay in iskaashatada gaadiidleyda ay wasaarada usoo gudbiyeen cabashooyin ay ka codsadeen in dowladu ay wax ka qabato oo ay ka mid yihiin isbaarooyinka loo dhigto gaadiidleyda kuwaas oo looga qaado lacago fara badan kuwaas oo yaalla duleedyada Muqdisho,wuxuuna ballan qaaday iney horgeyn doonaan golaha wasiirada si ay go’aano uga soo saaraan.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles