Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Qabanqaabada qorshe lagu dhisayo maamul ay yeeshaan gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka socota magaalada Baydhabo

$
0
0

baydhaboBaydhabo{RBC Radio} Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa ka socday  qabanqaabada shir la doonayo in lagu dhiso maamul goboleed ay ku midaysan yihiin gobolada Baay,Bakool,Shabeelaha hoose,Gedo,Jubada hoose iyo Jubadda dhexe sida ay sheegayaan qabanqaabiyaasha shirkaasi.

Malaaq Axmed Cali oo ka mid ah waxgaradka gobolada Baay iyo Bakool ee hormuudka ka ah shirka laga qaban qaabinayo magaalada Baydhabo ayaa faah faahin ka bixiyey shirkaas,wuxuuna sheegay in shirka la doonayo in dhidibada loogu aaso maamul ay ku midaysan yihiin gobolada Lixda ah ee Baay,Bakool,Shabeelaha hoose,Gedo,Jubada hoose iyo Jubadda dhexe.

Malaaqa ayaa tilmaamay iney shirkaa ku casuumeen dhammaan beelaha dega gobolada ay maamulka u dhisayaan,gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo leh  maamul ay dadka deegaanka dhisteen isla markaane ay aqoonsatay dowladda federaalka ayaa la weydiiyey sida ay ka yeelayaan maadaama ay sheegayaan iney goboladaasi qayb ka yihiin maamulka Koonfur galbeed ee ay ku yagleelayaan magaalada Baydhabo.

Wuxuuna si caro leh u sheegay ineysan jirin cid  awood u leh iney maamul u dhisto deegaan aysan kasoo jeedin,wuxuuna hoosta ka xariiqay in gobolada Jubooyinka iyo Gedo ay ka mid noqon doonaan maamulka ay dhisayaan,Malaaq Axmed Cali ayaa farta ku fiiqay inuusan dastuurka dalku dhigeen in deegaan dad leeyahay ay maamulaan dad kale sida uu hadalka u dhigay.

Malaaqa ayaa intaa ku daray in odayaashoodu aysan dooneen iney ku xad gudbaan deegaano kale balse wuxuuna ku nuuxnuuxsaday iney iyagu xaq u leeyihiin aaya ka talinta deegaanadooda cid kalane aysan marti uga noqon doonin sida uu sheegay.

Siyaasiyiin uu ka mid yahay Shariif Xasan SH Aadan gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya marne kasoo mid noqday golaha wasiirada dalka ayaa si weyn ugu lug leh qorshaha la doonayo in lagu dhiso maamul goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles