Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Gen.Maxamed Nuur Galaal oo sheegay in dilka Saraakiisha ay ka mid yihii Ibraahim Afqaan,Macalin Burhaan iyo Abu Mansuur AL-Amriki ay kooxdu kusii xoogeysatay

$
0
0

GalaalGalgaduud(RBC Radio) Gen.Maxamed Nuur galaal oo ka mid ah Saraakiishii ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee mudada dheer kusoo jiray hawlaha ciidamada ayaa ka hadlay khilaafaadka ka dhexjiray hogaanka Al-shabaab iyo saamaynta uu ku keeni karo dagaaladii ay ka wadeen dalka.

Gen. Maxamed Nuur Galaal ayaa aaminsan fikir ka duwan kan ay madaxda dowladda Soomaaliya ka qabaan khilaafka Al-shabaab,wuxuuna sheegay isaga oo ka hadlayey arintaas iney Al-shabaab sii xoogeysteen khatartoodune ay sii badatay kadib markii sida uu sheegay ay taladii iyo hogaankii ciidankuba ay galeen gacan qudhaa oo ah hogaamiyaha kooxdaas Axmed Cabdi Godane.

Jananka ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay la dagaalanka Al-shabaab,wuxuuna u aaneeyey sababta Shabaab looga guulaysan waayey dhowr arimood oo isbiirsaday oo ay ka mid yihiin Tabar darrida dowladda,caalamka oo aan daacad ka ahayn taageeridda Soomaaliya iyo waaya aragnimo haysata masuuliyiinta hogaaminaya hay’adaha dalka.

Galaal ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada shisheeye aysan waxba ka qaban karin xaaladaha amni xumo ee dalka,wuxuuna carrabka ku adkeeyey iney lagama maarmaan tahay in la helo ciidan Soomaaliyeed oo hanta sugidda nabadgalyada dalka,Gen.Maxamed Nuur Galaal ayaa farta ku fiiqay in caalamku uu hagar daamaynayo dhisidda ciidanka xoogga dalka.

Wuxuuna kula taliyey dowladda federaalka Soomaaliya iney qorato 10Kun oo askari oo ka mid ah ciidamadii hore ee Soomaaliya kuwaas oo leh ,Aqoon,Waaya aragnimo iyo Dishibiliin,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in hadii ay dowladdu tallaabadaas qaado ay hubaal tahay in ciidankaasi ay hanan doonaan amniga gobolada Banaadir,Shabeelaha hoose iyo Shabeelaha dhexe.

Gen. Galaal ayaa madaxda dowladda ku dhaliilay ineysan diyaar u ahayn iney wax ka weydiiyaan wax ka qabashada arimahan dadkii aqoonta u lahaa,wuxuuna tilmaamay iney taal belekeed ka door bideen Kooxaysi sida uu hadalka u dhigay.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles