Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dagaal dhimashiyo dhaawac geystay oo ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaan ka tirsan gobolka Baay

$
0
0

dagaaaaalAw-diinle(RBC Radio) agaal  dhaliyey khasaare iskugu jira Dhimasho iyo dhaawac ayaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaano ka tirsan gobolka Baay,dagaalka oo ka dhacay tuulada  Dambal oo ka tirsan deegaanka Aw-diinle ee gobolka Baay ayaa geystay dhimasho iyo dhaawac kala gaartay dhinacyadii dagaalamay.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidan ka tirsan Al-shabaab ay duulaan gaadmo ah ku qaadeen deegaanka Dambal oo ay fariisin muhim ah ku leeyihiin ciidamada Milateriga dowladda Soomaaliya,dagaalka oo in muddo ah socday ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku geeriyooday 3 ruux oo dhammaantood ahaa dhinacyadii dagaalamay ee ciidanka dowladda iyo Al-shabaab,dhaawucune uu intaa ka badan yahay.

Maxamed SHeekh C/llaahi gudoomiyaha deegaanka Aw-diinle ee gobolka Baay ayaa warbaahinta u sheegay in ciidan ka tirsan kuwa Al-shabaab ay duulaan kusoo qaadeen tuulada Dambal ee hoos timaada deegaanka Aw-diinle ee gobolka Baay,wuxuuna tilmaamay iney dagaalkaas jab ku gaarsiiyeen Al-shabaabkii weerarka kusoo qaaday.

Gudoomiyaha Aw-diinle ayaa sheegay in deegaankii lagu dagaalamay ay wali gacanta ku hayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,wuxuuna tibaaxay ineysan wax dhibaato ah dagaalka kasoo gaarin dadka shacabka ee ku nool goobaha lagu dagaalamay.

Alshabaab ayaan ilaa hadda wax war ah kasoo saarin dagaalka ay ciidamada dowladda Soomaaliya kula galeen deegaanka duleedka deegaanka Aw-diinle ee gobolka Baay,Alshabaab iyo dowladda ayaa siyaabo kala duwan guulo uga kala sheegtay dagaalada ku dhexmara gobolada dalka.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles