Garoowe[RBC Radio] Wasiir Kuixgeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Marwo Saynab Ugaas Yaasiin ayaa shaaca ka qaaday in Cudurka dabaysha gebi ahaanba laga bilaabay Tallaalkiisa deegaanada Puntland.
Marwo Saynab Ugaas Yaasiin oo Saxaafada kula hadashay magaaladda Garoowe ayaa sheegtay in Ololaha lagu la dagaalamo Cudurkan uu si rasmi ah uga bilowday deegaanada Puntland loona baahanyahay in Shacabku la shaqeeyaan Shaqaalaha Caafimaadka.
…””Ololahaan waa wareegii 7-aad,waxaana lagaga hortagataa dabeysha oo abaarta Carruurta 5-10 sano jirta,hasa ahaatee xitaa waxaa la sheegayaa in la helay hal kiis 27-jir ah…””ayey tiri.
Wasiir Kuixgeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Marwo Saynab Ugaas Yaasiin ayaa sheegtay in Tallaaku uu ka socon doono deegaanada Puntland muddo 7-maalmood ah isla markaana uu yahay Tallaalkii 7aad.
Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Marwo Saynab Ugaas Yaasiin Guji Halkan
Waxay tilmaantay in Cudurkaan uu yahay kuwa faafa oo keena Naafo-nimada,iyadoona qofka uu ku dhaco aanan loo helayn daawo lagaga badbaadiyo Cudurka Dabeysha balse uu leeyahay ka hortag.
…””Cudurkaan,wuxuu ku jiraa Cudurada faafa oo naafada keena oo qofka noloshiisa inta uu ka dhimanaayo Naafadaasi hadey ku dhacdo aan daawo lahayn…””ayey tiri Marwo Saynab Ugaas Yaasiin.
Sidoo kale waxay sheegtay Marwo Saynab Ugaas Yaasiin in dalka Soomaaliya oo dhan laga helay 169-kiis balse Puntland oo kaliya laga helay laba kiis magaalooyinka Boosaaso iyo Laascaanood.
…””Waxaa la hayaa 169-kiis Soomaaliya,Inaga kiisaska inoogu dhow,wuxuu ka dhacay hal kiis oo Boosaaso ah iyo hal kiis oo Laascaanood ah…””ayey turu Marwo Saynab Ugaas Yaasiin.
Bulshada ku dhaqan deegaanada Puntland ayey ka codsatay iney la shaqeeyaan Saraakiisha Caafimaadka ee Cudurka Dabeysa ka tallaalaya Carruurta isla markaana u fududeeyaan hawlahooda shaqo.
…””Waxaan ka codsaneynaa dadweynaha reer Puntland gaar ahaana Waalidiinta iyo mas’uuliyiinta kale oo bulshada dhexdeeda Ixtiraamka ku leh in si loo gaaro Yoolka la hiigsanayo oo Caafimaad oo lagu baabi’inaayo Dabeysha dadkaas Saraakiisha Caafimaadka ka socda in lasoo dhaweeyo….””ayuu yiri.
Si kastaba Cudurka Dabeysha ayaa kamid ah Cudurada aan daawada lahayn ka hortag mooyee,waxaana la sheegay in dalka Soomaaliya uu dib ugu soo noqday taasoo ka dhigaysa kiisaska laga helay 169-kiis.
_________________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso