Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Puntland Axmed Shiikh Jaamac: Puntland Iyadaa Baahideeda Ka Jeedineysa Shirka Brussels!!

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Axmed Shiikh Jaamac
Garoowe[RBC Radio] Wasiirka Warfaafinta,Isgaarsiinta,Hidaha Iyo Dhaqanka Dowladda Puntland Axmed Shiikh Jaamac ayaa sheegay in Puntland baahida ay qabto ay ka hor Jeedin doonto Shirka ka dhacaya Brussels.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Axmed Shiikh Jaamac ayaa sheegay in Shirka NEW DEAL ay Puntland si madax bannaan uga qeybgaleysa Isla markaana aysan Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan daba fariisan doonin.

….””Federaalku Wakiil kama noqonayo Puntland kamana hadlaayo arrimaheeda,gooni ayey Ujeedineysaa Qorshaheeda,Puntland Iyadaa Jeedineysa Baahideeda…””ayuu yiri Wasiir Axmed Shiikh Jaamac.

Wuxuu sheegay in Wafdiga Dowladda Puntland uga qeybgalaya Shirka Brussels ee u Hoggaaminayo Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole mudada ay Joogaan Brussels ay kulamo gooni gooni ah la qaadan doonaan Madaxda kasoo qeybgaleysa Shirka.

Wuxuu intaas ku daray in Madaxda ay kulamada la qaadan doonaan ay kala hadli doonaan baahiyaha aasaasiga ah sida Caafimaadka,Waxbarashada,Dhaqaalaha,Garsoorka,Biyaha iyo Kaabayaasha dhaqaalaha sida Garoomada diyaaradaha iyo Wadooyinka.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Puntland ayaa tilmaamay in Madaxda Puntland u mataleysa Shirka ay dhageysan doonaan Khudbadaha Shirka balse Dowladda Federaalka kama Turjumayso baahida Shacabka Puntland.

Shirka ka furmaya magaaladda Brussels ayaa Puntland,waxaa uga qeybgalaya Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole Iyo Xubno ay kamid yihiin Wasiirka Caafimaadka Cali Cabdullaahi Warsame,Dr Maxamed Xasan Bare Iyo Dr Cabdirisaaq Cismaan Juurile.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Madaxda Puntland ee ka qeybgalysa Shirka

Madaxda Puntland ee ka qeybgalysa Shirka

Dadka ka faalooda Siyaasada Puntland ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqa ay Shirka ku leedaha Puntland uu yahay midkii ugu wanaagsanaa isla markaana ay baahideeda ay usoo bandhigi doonto Beesha Caalamka.

Dhanka kale Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya Madaxweynaha Jubba State Axmed Maxamed Islaan(Axmed Madoobe),waxaana uu noqonayaa markii ugu horeysay oo madal looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya ay Jubba Stae ka qeybgasho,taasi ay tahay guul usoo hoyatay Shababka Jubbooyinka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud Iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa ku sugan magaaladda Brussels oo ah goobta uu shirku ka furamayo,waxaana la filaya in Madaxweynuhu uu khudbad ka jeediyo.

_______________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Trending Articles