Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Musharaxa xilka Madaxtinimada Puntland Cali Cabdi Awaare oo gaaray magaaladda Nairobi ee dalka Kenya [Sawirro]

$
0
0
Musharax Cali Cabdi Awaare

Musharax Cali Cabdi Awaare

Nairobi [RBC Radio] Siyaasiga caanka ah ee u Taagan Jagada Madaxtinimada Puntland ee Cali Cabdi Awaare ayaa gaaray magaaladda Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Musharax Cali Cabdi Awaare ayaa Garoonka diyaaradaha ee magaaladda Nairibi,waxaa kusoo dhaweeyey boqolaal taageerayaashiisa ah iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Cali Ameeriko.

Salaan iyo Is marxabeyn ka dib Musharax Cali Cabdi Awaare oo Saxaafada hadal kooban siiyey ayaa u mahadceliyey dadkii boqolaalka gaarayey ee kusoo dhaweeyey magaaladda Nairobi,

Wuxuuna sheegay in soo dhaweynta iyo Cudada Taageerayaashiisa ku sugan magaaladda Nairobi ay fariin cad u tahay Xildhibaanada gudaha Puntland jooga isla markaana uu rajeynayo in horumar lagu talaabsado.

1

…””Runtii,waxaan oran karaa tani waxay fariin u tahay Xildhibaanada Puntland ee gudaha dalka Jooga,waxaan rajeyneynaa in loo gudbo xiliga horumarka,xiliga wanaaga,xiligii Puntland ay u gudbi lahayd Marxalad la taaban karo oo ay kula tartaranto Caalamka intiisa kale…””ayuu yiri Awaare.

Musharax Cali Cabdi Awaare oo dhanka dhaqaalaha iyo horumarka Puntland ka hadlay ayaa sheegay in qof kasta oo Puntlander ah uu xaq u leeyahay in horumarku gaaro miyi iyo magaalaba.

…”” Dhaqaaluhu uu wada gaaro qof kasta oo Puntlander ah,tuulo kasta iyo degmo kasta oo uu joogo in horumarka iyo waxqabadku gaaro dhammaan Puntland meel kasta oo ay tahayba ama ha noqoto kuwa fogfog ama ha noqoto kuwa xeebaha ah ama kuwa Miyiga ahba Insha ALLAAHU in Jidad iyo dekado,barnaamijyo Mashaariic ah Warshado,…””ayuu yiri.

Wuxuu tilmaamay in Puntland loo soo shaqo doonan doono Mustaqbalka isla markaana dhalinyarada Tahriibta galeysa ay heli doonaan shaqooyin ay ku nastaan,waa sida uu sheegaye Musharax Awaare.

…””Dhalinyarada Mustaqbalka ee inta badan Tahriibta gasha shaqooyin ay ku nastaan ay ka helaan kaga kaaftoomaan in dal dibadeed loo haajiro,waana la inoo soo shaqo tegi-doonaa Insha allaah…””ayuu yiri.

Sidoo kale Musharax Cali Cabdi Awaare ayaa sheegay in magaaladda Nairobi ee dalka Kenya uu Joogi doono muddo kooban isla markaana kulamo la qaadan doono Hay’adaha Caalamiga ah,Jaaliyadda Puntland iyo wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya.iyo Jaaliyadda Puntland eek u sugan dalka Kenya.

3

Mid kamid ah Jaaliyadda Puntland ee kusoo dhaweeyey Musharax Cali Cabdi Awaare magaaladda Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in Jaaliyadu ay hiil iyo hooba la garab taagantahay Musharaxa.

…””Waxaanu soo dhaweyneynaa Musharax Cali Cabdi Awaare,waxaana kusoo dhaweyneynaa gacmo furan,waxaana leenaha kusoo dhawoow Jaaliyadda reer Puntland,hiil iyo hooba waan kula garab taaganahay,waana ku taageersanahay …””ayuu yiri.

Musharax Cali Cabdi Awaare ayaa Safar kusoo maray dalalka geeska afrika qaar kamid ah iyo kuwa Carabta,waxaana Safaradaasi qeyb ka yihiin Ololihiisa dhanka Doorashada Puntland ee dhici doonta 2014.

4 5 6 7 8 9 11 12 13 14

____________________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles