Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Prof.Gaas oo Qorshihiisa ololaha doorashada Puntland kusoo bandhigay munaasabad ka dhacday magaalada Ndola, Zambia [Sawiro]

$
0
0

DSC00268Ndola[RBC Radio] R’aiisal wasaarihii hore ee xukuumaddii federaalka Soomaaliya ee la oran jirey badbaado qaran haatanna ah musharrax u taagan xilka madaxtinimada Puntland ayaa ka hadlay munaasabad ballaaran oo lagu qabtay magaalada labaad ee waddanka Zambia ee Ndola.

Prof Cabdiweli Maxamed C ali Gaas, oo ku bilaabay hadalkiisa mahadcelin uu u jeediyey dadkii hadalka uga horreeyey kulankan ee soodhoweyntiisa ka qayb qaatay kana mid ahaa dadkii ku hadlayey magaca qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa bogaadiyey sida weyn ee loogu soo dhoweeyey waddanka Zambia, waxana uu sheegay in ujeedada musharraxnimadiisu ay tahay mid uu ku doonayo in uu dawladda Puntland isbeddel ku sameeyo isla markaan uu wax u qabto shacabka Puntland.

Codka iyo magaca jaaliyadda Soomaaliyeed ee Zambia waxaa ku hadlay Cabdiraxmaan Kaarabood iyo Cabdishakuur Siciid Muuse iyo Axmed Maxamed Beddel Qamaal Bulxan, Cali Dhegajarey, Abwaan/Suldaan Cabdirisaaq Xirsi Carab, oo ku hadlayey magaca ganacsatada.

DSC00266

Sidoo kale, waxaa dhinaca haweenka u hadlay, Weris Daahir Seed iyo Jiijo Xasan Daad oo musharraxa ku booriyey in uu shacabka wax u qabto gaar ahaan haweenka, haddii uu ku soo baxo madaxweynaha Puntland oo doorashada la qaban doono bisha Jannaayo ee sannadka foodda inagu soo haya ee 2014.

Sidoo kale, kulankan ayaa waxaa hadalo aad u qiimo badan ka jeediyey safiirka u fadhiya waddanka Zambia, Maxamed Xasan.

Dawaara iyo qunsulka Soomaaliya, Cabdirashiid Sheekh Cali, waxana dadkii ka soo qayb galay kamid ahaa xildhibaan ka tirsan Ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo si weyn loogu xusuusto, xukuumaddiisii kumeel gaarka ahayd ee Badbaado Qaran, ka saaritaankii dalka kumeelgaarnimadii iyo ansixitintii iyo diyaarintii dastuurka dawladda federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan u dhoofaya Soomaaliya gaar ahaan Puntland si uu halkaa uga bilaabo ololihiisa musharraxnimo.

DSC00228 DSC00235 DSC00277 DSC00284

Maxamuud Faarax Bile
Ndola, Zambia.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles