Berbera[RBC Radio]Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo socdal lug ah oo uu kasoo bilaabay magaaladda xarunta u ah Soomaaliland ee Hargeysa maalmahaanba ku jiray ayaa waxaa uu maantay ku gaaray magaaladda Berbera halkaaso maanta uu ka dhigax dhigay qar kalana xarig jaray mashaariic fara badan oo laga hirgaliyey magaaladda Berbera ee gobolka Saaxil.
Sodaalkaan lugta ah ee uu Siilaanyo ku marayo gobollo ka tirsan Soomaaliland waxaa ku waheliy masuuliyin ka tirsan xukuumadiisa oo ay wasiiro ka mid yihiin waxana ka mid ah wasiirada warfaafinta,madaxtooyada,Deegaanka,Gaashaandhiga, waxbarashada,Wasiirul Dawlaha maaliyadda,wasiir dhinaca Amniga e wasaarada arrimaha gudaha, wasiirka beeraha, Wasiirkii hore e arrimaha gudagha Ismaaciil yare,Afhayeenka madaxtooyada somaliland Axmed saleebaan Dhuxul, iyo Marwada Kowaad ee Somaliland Aamina Waris.
Mashaariicdan uu madaxweynuhu booqday ee laga hirgaliyey magaaladda Berbera ayaa iskugu jiray xadhiga ka jarid iyo kuwo la dhaqax dhigayey waxaana ka mid ahaa mashaariicdan Dhul fidiin lagu kordhiyey dekedda Berbera, dhulkaas oo loogu talo galay in lagu raseeyo agabka Dekeda, koontiinarada, wiishashka iyo wixii loo baahdo.
Sidoo kale madaxweyne Siilaanyo waxaa uu dhagax-dhigay qaybo cusub oo dekedda lagu kordhin doono dhawaan, waxa kale oo isna uu madaxweynuhu dhagax-dhigay dhisme loogu talo galay Bahda Akhristayaasha ee Reading Club ee Berbera, Dhulkaas oo ay siisay Dawlada hoose ee Berbera si ay u noqoto goob wax lagu akhristo oo gobolku yeesho, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray Xaruntii hore loogu yiqiin taardheer oo ah barxada ugu weyn gobolka Saaxil ee ay dawladu iska leedahay kaydkana ay u haystaan oo laga hirgeliyey mashaariico kala duwan.
Ugu danbayn waxa uu madaxweynuhu tegay oo uu xadhiga ka jaray xarunta daryeelka iyo keydinta Baabuurta dawlada hoose ee Berbera oo ay Golaha Deegaanka ee Berbera intii la soo doortay ay hirgeliyeen in gobolku helo xarun loogu soo hagaago baabuurta dawlada hoose halkaas oo ay ku soo bandhigeen gaadiid aad u tiro badan oo noocyo kala duwan ah kuwaas oo dhamaantood ah kuwo cusub oo ay ay golaha deegaanka ee cusubi ay iibiyeen dhawaan.
Ka dib waxa uu madaxweynuhu uu hadal kooban oo mahadnaq iyo dhiirigelin ah u soo jeediyey madaxda gobolka iyo shicibka gobolka saaxil oo buuyidhi muujiyey midnimo iyo wada shaqayn ay tahay in lagaga daydo wanan idinku hambalyeynayaa.
Waxa iyaguna halkaasi shahaadooyin kala duwan ku bixiyey isla barxadaas batalaale madax-dhaqameedka gobolka oo u bogay iskuna raacay wax qabadka muuqda ee ay ku talaabsadeen madaxda gobolka iyo madaxweynaha oo ay yidhaahdeen madaxdu waxa aad ku mutaysatay madaxweyne shahaadadan dedaalka iyo wax ka bedelka aad ku samaysay horu-socodka gobolka taas oo maanta madaxweyne aad gobolkan kaga dhigtay mid loo soo hiloobo ama lagu daydo marka loo eego sanadihii hore ama dawladihii adiga kaa horeeyey.
Dhinaca kale waxaa uu madaxweyne u ambabaxay magaalada Burco,isgoona isla maantay gaaray.
Waxaana markii uu soo gaaray barxadda maamulka gobolka Togdheer ee Burco wuxuu salaan sharaf ka qaatay cutub ka tirsan ciidamada maamulka Somaliland, waxaana halkaas ku soo dhoweeyay guddoomiyaha gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdulaahi Xamarji iyo qeybaha bulshada ee magaalada Burco.
Madaxweynaha Somaliland oo hadal u jeediyay dadweynaha magaalada Burco ayaa sheegay in ay farxad u tahay sida wanaagsan loo soo dhoweeyay.
Si kastaba madaxweynaha Soomaaliland ayaa maalmahanba ku jiray socdaal dhanka dhulka ah oo uu ku tagayo magaaloyin katirsan Soomaaliland isagoona inta badan mashaaric ka dhagax dhigi doono goobaha uu tago.
__________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio