Muqdisho (RBC) Qaar ka mid ah jidadka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku socda dib u dayacyir iyo dhisme cusub kaa oo ay hirgelinayaan shirkado laga leeyahay dalka Turkiga oo adeegsanaya shaqaale Soomaali iyo Turki isugu jira iyo qalab casri ah.
Dhismaha jidadka oo labo qeybood ka kooban ayaa waxa uu hadda ka socda wadada garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle iyo KM4 isku xirta iyo wadada garoonka iyo degmada Wadajir isku xirta
Dhismaha jidadka oo mashruuc ay maalgelineyso dawlada Turkiga ayaa waxaa uu gaari doonaa illaa 23 km oo ka mid ah magaalada Muqdisho.
RBC Radio