Kismaayo[RBC Radio]Waxaa maantey ka dhoofey garoonka diyaaraddaha ee magaaladda Muqdisho wafti maalmahanba kusugna Muqdisho oo uu hoggaaminayey Axmed Madoobe,waxana waftigaan ka socdeen maamulka KMG-ah ee Jubba.
Waftigaan oo inta ay kusugnaayeen Muqdisho kulamo kala gadisan la qaatay madaxda dowladda faderaalka Soomaaliya oo uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaaraha dalka Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maantey dib ugu labtey magaaladda Kismaayo oo saldhigg uu ah maamulka.
Waxana garoonka diyaaraddaha ee Kismaayo kusoo dhaweeyey waftiga markii ay gaaren xubno ka tirsan masuuliyinta maamulka ee ku sugan Kismaayo iyo boqolaal dadweyne ah kuwaaso ka kala yimid xaafaddaha magaaladda.
Xiligii ay gaaren Kismaayo waftiga maamulka KMG-ah ee Jubba waxaa saxaafadda lahadley madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubba Generaal C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)oo qeyb ka ahaa waftigii maantey ka kicitimay Muqdisho.
Generaal Fartaag waxaa uu sheegey in dhamanba kulamadii ay la lahaayen madaxda dowladda faderaalka Soomaaliya inay kusoo dhamaaden guul iyo is fahan buuxa.
Waxaa uu sidoo kale soo hadal qaadey Generaal Fartaag in madaxda labada dhinac ay isla garteen in magaaladda Muqdisho lugu qabto shirweyne qaran oo looga hadlayo xal uhelida arrimaha Jubbooyinka,sidoo kalena Magaalada Kismaayo lagu qaban doono shir looga hadlayo arimaha Jubbooyinka oo dhameystir u ah shirka Muqdisho.
Socdaalka ay magaaladda Muqdisho ku joogen waftiga ka socda maamulka KMG-ah ee Jubba waxaa uu noqonaya kii ugu horeeyey oo wafti kasocda Jubba uu soo garo Muqdisho kulamana la qaato madaxda dowladda faderaalka.
_____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio