Kismaayo[RBC Radio]Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo uu saarnaa madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaan (axmed Madoobe)xili loosi galbinayey xarunta madaxtooyadda ee maamulka Jubba.
Qaraxaan ayaa lala begsadey waftiga madaxweynaha xili ay marayeen bartamaha magaaladda Kismaayo,waxana qaraxa loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyey.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka badbaadey qaraxan balse waxaa la sheegaya in xubno ka mid ah waftiga ay ku dhawacmeen balse ma jirto wax faah faahin ah oo laga heelayo khaasara ka dhashey qarax.
Ciidamada ammaanka maamulka Jubba iyo ciidamada AMISOM ayaa markiiba soo garay goobta uu qaraxa ka dhacay waxana xiligaan ay waddaan baaritano ku aadan sidii uu qaraxa u dhacay.
Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa maanta dib ugu laabtay Kismaayo kadib markii uu ka laabtay magaalada Muqdisho oo uu ku sugnaa maalmihii ugu danbeeyay, halkaasi oo uu kula kulmay xubno ka tirsan dowladda federalka.
Faah faahinta warkaan iyo qasaaraha qaraxa kala soco Raxanreeb.com
____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio