Baay(RBC Radio) Sida ay baahisay Idaacadda BBC-da qaybteeda la hadasha Caalamka koox ka tirsan taageerayaasha Axmed Cabdi Godane hogaamiyaha kooxda Al-shabaab ayaa saaka aroortii hore duulaan ku qaaday deegaanka Raama-caddey ee gobolka Baay halkaas oo in muddo ah uu gubbaad ka dhiganayey Cumar Shafiiq Xammaami oo loo yaqaan Abuu Mansuur Al-Amriki.
Saraakiil sare oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa BBC-da u xaqiijiyey in rag daacad u ah hogaamiyaha Al-shabaab iney khaarajiyeen Abuu Mansuur Al-Amriki iyo oo u dhashay dalka Maraykanka iyo hogaamiye kale oo lagu magacaabi jiray Osaama Al-bitaini oo ka tirsanaa Saraakiisha Ajaanibta ah ee ka barbar dagaalama Al-shabaab asal ahaane kasoo jeeda dalka Pakistaan balse haysta dhalashada dalka Ingiriiska.
Wararka kasoo baxay deegaanka uu dilku ka dhacay ayaa sheegaya in ragga daacada u ah Axmed Cabdi Godane iney qaateen Maydka Abuu Mansuur Al-Amriki,wararka laga helaya deegaankaas ayaa sidoo kale tilmaamaya in ragga dilka u geystay hogaamiyaashan sare ee ka tirsanaa Al-shabaab ay sidoo kale nolosha ku qabteen hogaamiye kale oo ajinabi ah kaasoo lagu magacaabo Khadaab AL-masaari oo u dhashay dalka Masar.
Hogaamiyaha ugu sareeya kooxda Al-shabaab Axmed Cabdi Godane oo hore u khaarajiyey hogaamiyaal sare oo ka tirsanaa kooxdaas oo ay ka mid ahaayeen Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad Ibraahim Afqaan iyo Macalin Burhaan ayaa in muddo ah ku raadjoogay hogaamiyaasha uu maanta khaarajiyey.
Abu Mansuur Al-Amriki ayaa dhawaan waraysi uu siiyey Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga waxa uu ku sheegay inuusan ka baqeen in Maraykanku uu duqayn ku dilo balse uu cabsi iyo welwel ka qabo inuu khaarajiyo hogaamiya Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho