Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Nicholas Kay oo Dubai kawadda qorsho la isku hor fadhiisinayo madaxweyne Faroole iyo madaxweyne Xassan Sheekh

$
0
0
Ergeyga gaar ah ee u qaabilsan Qaramada Midoobey Soomaaliya Nicholas Kay

Ergeyga gaar ah ee u qaabilsan Qaramada Midoobey Soomaaliya Nicholas Kay

Dubai[RBC Radio]Wararka anuu ka helayno magaaladda Dubai ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa soo sheegaya in halkaa uu ka socdo shirar gooni gooni ah oo uu waddo ergeyga gaar ah ee u qaabilsan Qaramada Midoobey Soomaaliya Nicholas Kay,shirarka iyo kulamada uu wado Key ayaa la sheegey inay salka ku hayaan sidii looso afmeeri laha khilafka sii xooggaysanaya ee ka dhaxeeya dowladda faderaalka Soomaaliya iyo dowladda Puntland ee Soomaaliyed.

Nicholas Kay ayaa la sheegey in magaaladda Dubai uu labo mar kula kulmey madaxweynaha dowladda Puntland ee Soomaaliyed Dr.Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud (Faroole),waxana la sheegey in kulamadooda ay isla soo qaaden arrimo dhor ah oo ay ka mid ahaayeen ladagaalanka kooxaha burcad badeeddka Soomaalida oo shir arrintaasi looga hadlayay uu ka socdo Dubai oo ay kawada qeyb galayaan madaxweyne Cabdirixmaan Faroole iyo madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xassan Sheekh.

Sidoo kale warar an wali la xaqiijin ayaa sheegey in Key uu kala hadlay madaxweyne Faroole sidii looso afmeeri laha khilafka dowladda faderaalka Soomaaliya iyo Puntland oo xiligaan isku maan dhafsan arrimo siyaasaded oo ay ka mid yihiin waxkabadal ay Puntland sheegtey in lugu sameeyey dastuurka KMG-ah ee Soomaaliya.

Dadaalka uu Nicholas Kay uu ku doonayo in xal looga gaaro khilafka siyaasadeed ee ka dhex taagan dowladda faderaalka Soomaaliya iyo Puntland ayaa ah mid ay qeyb ka yihiin dalal ka mid ah kuwa dariska la’ah Soomaaliyo oo ay ugu horeyso dowladda Itoobiya oo iyadu horey si cadd u sheegtey inay wada-hadall u furi doonto dowladda faderaalka iyo Puntland.

Sidoo kale waxaa uu qeyb ka ahaa Nicholas Kay wada-hadallkii lugu guuleystey ee lugu soo afjarey khilafkii ka dhex tagna dowladda faderaalka Soomaaliya iyo maamulkii horey loo oran jirey Jubbaland balse xiligan layirahdo maamulka KMG-ah uu Jubba oo heshiis buuxa ku gaarey magaaladda Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Si kastaba arrintaan ayaa ku soo aadeysa xili dowladda Puntland ee Soomaaliyed ay horey u sheegtey inay sharuudo ku xireyso wada-hadall ay la furan dowladda faderaalka Soomaaliya,waxana ay Puntland sheegtey inay wada-xaajonkaran dowladda xiliga la saxo dhamanba qaladadka ay ka tabanayaan.

____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles