Hargeysa (RBC)- Mid ka mida madax dhaqameedka ugu cad cad deegaanada Somaliland Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi ayaa maanta maxkmada Hargeysa ku riday xukun ku siman laba sano oo xadhig ah.
Boqorka ayaa saaka la keenay maxkamada Hargeysa isaga oo mudo labaatan maalmood ah ku xidhnaa xarunta danbibaadhista ee Hargeysa xukun la’aan.
Maxkmada Hargeysa ayaa Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi xukunkiisa u adeegsatay xeerka ciqaabta guud ee 212, hase ahaatee ciqaabta lagu xukumay ilaa hadda kumay dhawaaqin maxkamadu.
Go’aanka ay maxkmadu gaadhay ayaa lala xidhiidhanayaa danbi lagu sheegay in Boqor Raabi uu ka galay Somaliland, isla markaan uu Muqdisho ka degay, taas oo lagu tilmaamay danbiile qaran.
Tagitaanka Muqdisho ee Boqor Raabi ayaa lagu sheegay inuu ka mid ahaa dadkii wax ka soo dhisay dawlada fadaraalka ah ee Soomaaliya ee uu haatan madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo xiligaas matalaayey qayb ka mida beelaha dega Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee xeerka xamar tagistiisa danbiilaha sheegaya ilaa hada si cad looma qeexin, waase mid dhawrkii sane ee la soo dhaafay lagu arkaayey xukumadihii kala danbeeyey.
Raxanreeb-Hargeysa