Boosaaso[RBC Radio] Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah magaaladda Boosaaso uga bilowday baarista Cudurka Malaariyada,waxaana Ololahaan iska kaashanaya WHO,UNICEF iyo Wasaaradda Caafimaadka.
Baarista Cudurka Malaariyada ayaa,waxaa ka gacansiinaya Wasaaradda Caafimaadka Ha’adda Caafimaadka aduunka ee WHO,taas oo laga baarayo dhammaanba dadka ku dhaqan xeryahaya Barakacayaasha ee Boosaaso.
Xeryaha ay ku dhaqanyihiin qoysaska barakacayaasha ah ee Boosaaso ayaa diirada lagu saarayaa in laga baaro Cudurka Malaariyadda,waxaana ka hawgalaya shaqaale ka socda Wasaaradda oo gaaraya ilaa 8-kooxood.
Mukhtaar Maxamed Jaamac oo ka socday Wasaaradda Caafimaadka Puntland qeynteeda qaabilsan cudurka Malaariyada oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in cudurka duumada la doonayo in laga baaro ilaa 20-25-kun oo qof.
…””Barnaamijkan ka hortaga cudurka Duumada ee laga qabanayo magaaladda Boosaaso ,waxaa loogu talagalay in lagu baaro ilaa 20-kun ilaa 25-kun oo qof oo laga raadinayo qof qaba cudurka Duumada…””ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in Ujeedada laga leeyahay baaritaanka cudurka Malaariyada ee magaalada Boosaaso ay tahay sidii looga hortagi lahaa in mar kale uu cudurku ka dilaaco magaalada sidii sanadkii hore.
….””Wasaarada Caafimaadka oo kaashaneysa WHO iyo UNICEF ayaa waxa ay ugu talagashay Barnaamijkan si looga hortago in uu ka dilaaco cudurka Duumada magaalada Boosaaso sidii sanadkii hore oo kale….””ayuu yiri.
Siciid Cabdiqaadir Maxamed oo kamid ah Saraakiisha Hay’ada WHO oo gacan ka geysnaysa Barnaamijka lagula dagaalamayo cudurka Duumada ayaa ugu baaqay bulshada Boosaaso iney la dagaalamaan kana hortagaan cudurka duumada.
Maxamed Cabdullaahi oo ah madaxa Sheybaarada ee Wasaarada Caafimaadka Dowladda Puntland oo ugu danbeyn Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in baaritaanka Barnaamijkan ay si weyn isaga kaashanayaan WHO,UNICEF iyo Wasaaradda Caafimaadka Puntland.
Gabagabada baaritaanka cudurka Malaariyada ee laga wado qoysaska barakacayaasha ah ayaa ku eeg maanta,iyadoona qorshuhu yahay in kooxaha baaritaanka wada ay usoo wareegaan dhanka Xaafadaha magaalada si loola dagaalamo Malaariyada.
___________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso