Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

R/wasaare Saacid oo Muqdisho kula kulmey Axmed Madoobe

$
0
0
Axmed Madoobe iyo Saacid

Axmed Madoobe iyo Saacid

Muqdisho[RBC Radio]Magaaladda Muqdisho ee caasumada Soomaaliya waxaa kulan ballaaran uu ku dhex marey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo madaxweynaha maamulka KMG-ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ay waheliyaan xubno katirsan waftigiisa iyo waxgarad kale.

Kulanka labada dhinac ayaa yimid kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya casumaad qado sharaf ah uu u fidiyey waftiga maamulka KMG-ah ee Jubba oo uu hoggaaminao Axmed Madoobe kuwaaso mudadan ku sugna magaaladda Muqdisho.

Sidoo kale waxaa ra’iisal wasaare Saacid ku waheliyey shirka xagga dowladda Wasiiradda Arrimaha gudaha iyo warfaafinta C/kariim Xasan Guuleed iyo C/laahi Ciilmooge Xirsi iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan.

R/wasaare Saacid ayaa hadal soo dhaweyn ah ku daahfurey shirka,waxana uu soo hadal qaadey in heshiiskii Addis Ababa ee lugu soo gaba gabeeyey khilaafkii dowladda faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubba inuu ahaa mid taariikhi ah,waxana uu dhankiisa sheegey inay dhowri doonan dhamanba qaddobadii shirka kasoo baxay si usan mardanbe usoo laban khilafki siyaasaded ee ka dhex jirey DFS iyo maamulka Jubba.

War qoraal ah oo laga soo sarey shirka ayaa lugu sheegey in ra’iisal wasaare Saacid uu si cadd u sheegey in xukuumadoodu ay ka shaqeyn doonto sidii looga guul gaari laha qoddobadi kasoo baxay shirkii Addis Ababa.

…”"”Waxaan si niyad ah u soo dhoweyneynaa heshiiskii Addis Ababa, dhamaan safarradii aan ku tegeynay Kismaayo waxa ay ahaaayeen kuwo aan nabad ku dooneynay, annaguna waxaan muujinay sabur. dowladdu waxa ay samayneysaa fududaynta wadahadalada iyo dib-u-heshiisiinta…”"“ayuu yiri Ra’iisul wasaare Saacid.

Sidoo kale waxaa uu ra’iisal wasaaraha Soomaaliya kaga dhawaaqey shirka xiliga uu qab soomayo wejiga kowaad ee shirka dib-u-heshiisiinta, waxana uu sheegay in 05, Oct, 2013 uu shirkaas ka dhici doono magaalada Muqdisho, iyadoo wejiga labaad ee shirkaasina lagu dhamaystiri doono magaalada Kismaayo.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa isna hadal uu ka jeediyey madasha waxaa uu ku sheegey in dhankooda ay ku faraxsanyihiin kulankaan uu u fidiyey ra’iisal wasaaraha Soomaaliya,waxana uu mahad-celin usoo jeediyey dhamanba maamulka gobolka Banaadirs iyo dowladda faderaalka Soomaaliya oo uu sheegey inay si diiran isaga iyo waftigiisuba ugu soo dhaweeyen Muqdisho.

…”"”Intii aan joognay Muqdisho wax badan ayaa noo qabsoomay, kulamo badan ayaan galnay, si fiican ayaana la isugu afgartay. Waxaan u soo marnay waddo dheer laakiin maanta caqabado badan ayaan ka gudubnay, qof kasta oo wax tabanaya waxaan diyaar u ahay in aan u tago xaal mariyo .Arrintan waxa ay horseed u tahay nabad iyo dhisme dowlad oo Soomaaliya ka hanaqaada…”"‘ayuu yiri Axmed Madoobe.

Kulankaan oo maalinkii shalay Muqdisho ka dhacay ayaa noqonaya tan iyo markii ay dowladda la heshiisey maamulka Jubba,inay isku arkaan ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo hoggaamiyaha maamulka ee Axmed Madoobe.

Waxana kulamadaan daba socdaan kulamo uu magaaladda Muqdisho kula yeeshen waftiga Jubba masuuliyinta dowladda faderaalka oo uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles