Dubai{RBC Radio} Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay inay Safaaradoodii dib uga furan doonto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, xilli uu dalka Imaaraadka carabta ka socdo shir looga hadlayo dhibaatada ay u gaytaan Burcad badeedu maraakiibta maraysa xeebaha Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay iney goordhow magaalada Muqdisho ee xarun dalka Soomaaliya ay ka furandoonaan safaaradii ay ku lahaayeeen taasi oo aan shaqaynin muddo 22 sano ah.
Wasiirka arimaha dibada ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa dowlada Federaalka Soomaaliya ku amaanay dadaalka ay ugu jirto xasilinta iyo nabadayta dalka Soomaaliya waxa uuna ku booriyay iney meesha ka siii wadaan dadaalkooda si ay u gaaraan hadafka ay doonayaan in ay ku badbaadiyaan qaranimada Soomaaliya.
Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladoodu garab taagantahay dowlada Soomaaliya ayna dowlada Soomaaliya siinayaa lacagtii ay hore ugu balanqaadeen, wasiirka ayaa tilmaamay in ay shirkii Landhan dowlada Soomaaliya ugu yabooheen lacag dhan 50 milyan ayna xiligaan siinayaa dowlada Soomaaliya.
Warka ka soo baxay wasiirka arimaha dibada ee dalka Imaaraadaka Carabta ayaa ku soo beegmaya xilli ay kulan qaateen wasiirka iyo madaxweynaha dowlada Soomaaliya mudane Xasan SH maxamuud oo ka qayb galaya shirka looga hadlayo Burcad badeeda Soomaaliya kaasi oo ka Socda Dalka Imaaraadka Carabta.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho