Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowlada Soomaaliya oo shaaca ka qaaday in dadka ka tirsan Al-shabaab loola dhaqmi doono hab waafaqsan shuruucda u degsen dowlada Soomaaliya

$
0
0

 

saaciiidMuqdisho(RBC Radio) Xukuumadda federaalka  Soomaaliya ayaa sheegtay iney xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee gacanta lagu dhigo loola dhaqmi doono sida uu sharcigu qabo,R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa daboolka ka qaaday in dowladdu ay si sharciga waafaqsan ay ula dhaqmi doonto xubnaha Al-shabaab ee soo gala gacanta dolwadda Soomaaliya.

R/wasaare Cabadi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa shaaca ka qaaday ineysan dhici dooni in si sahlan xabsiyada ay maamusho dowladda federaalka Soomaaliya looga sii daayo dadka lala xiriirinayo Al-shabaab,wuxuuna carrabka ku adkeeyey in sharciga la marin doono habka iyo hannaanka dowladnimada iyada oo loo marayo.

“Ma dhici doonto in dad lala xiriirinayo Al-shabaab la sii daayo,lama dili doono lamana dhibaatayn doono,waxaa la marin doonaa sida uu qabo sharcigu,hadii ay noqon lahayd Xarig,Maxkamadayn markaas kadibne la xukumo”ayuu yiri R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.

Wasiirka Koowaad ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa tibaaxay iney Mawaadiniin yihiin dhalinyarada ka tirsan Al-shabaab sidaas darteedna aysan dhici doonin in lagu sameeyo wax ka baxshan sharciga,Saraakiisha dowladda ayaa waxaa lagu eedeeyaa iney laaluush kusii daayaan rag ka tirsan Al-shabaab oo ku jiray Xabsiyada dowladda.

Sida ay marar badan ku celceliyeen masuuliyiin uu ka mid yahya gudoomiyaha gobolka Banaadir,waxaana xiligan xabsiga ku jira taliyihii xabsiga dhexe ee Xamar oo lagu soo eedeeyey inuu xabsiga kasii daayey rag ka tirsanaa Al-shabaab,lama oga waxa uu ka bedeli doono hadalka R/wasaare Saacid danbiilayaasha xabsiyada laga sii daayo.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles