Jowhar(RBC Radio) Wararka saaka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in Fataahada Wabiga Shabeelle ay saamayn ku yeelatay gudaha magaalada Jowhar,Fatahaadaha wabiga oo fara ba’an ku hayey bilihii danbe deegaano hoos yimaada magaalada Jowhar ayaa xiligan gudaha usoo galay qaar ka mid ah xaafadaha magaaladaasi.
Xalay abbaare 10kii habeenimo ayaa mar qura shacabka iyo maamulka magaalada Jowhar waxa ay ku baraarugeen biyo xawli ku socda oo kasoo burqaday Wabiga Shabeelle kusoo oo qulqulkoodu ay gudaha usoo galeen xaafadaha Hanti-wadaag iyo Baryare.
Markii uu soo baxay warka la xiriira in fatahaadihii Wabigu ay gudaha usoo galeen magaalada ayaa waxaa gurmad aan loo kala harin sameeyey maamulka gobolka Shabeellaha dhexe,kan degmada iyo bulshada ku dhaqan magaalada Jowhar,waxaana goobta la geeyey gaadiidka Baldoosarada si ay u moosaan biyaha xawliga ku socda ee soo jiiray qarqarada Wabiga.
Xakamaynta biyaha ayaa ku adkaatay maamulka gobolka,waxaana lasoo sheegayaan inuu wali socdo gurmadka iyo dadaalada ay wadaan bulshada iyo maamulka gobolka Sh/dhexe oo iskaashanaya si ay uga hortagaan waxyeelada Daadadka baaxadda leh ee ka dhashay fatahaadda wabiga ee gudaha u galay xaafadaha magaalada Jowhar.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga gobolka Shabeelaha dhexeYuusuf Cabdi Cabdulle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney la tacaalayaan sidii ay u xakamayn lahaayeen Fatahaadaha wabiga,wuxuuna ugu baaqay bulshada gobolkaas ineysan u kala harin sidii loo joojin lahaa Fatahaadaha wabiga Shabeelle.
Shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar ayaa cabsi iyo walaac ka muujinaya Fatahaadaha gudaha usoo galaya magaalada,Fatahaadda wabiga Shabeelle ayaa hore usoo baabi’isay Dhulbeereed Baaxad weyn,Tuulada Baarrey ayaa ah goobta ay saamaynta ugu weyn ku yeelatay fatahaadda wabiga.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho