Beledweyne(RBC Radio) wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in Rag bastoolado ku hubeysan ay xalay maqribnimadii magaaladaasi ku toogteen nabadoon caan ka ahaa gobolka Hiiraan,waxaana durbadiiba goobta uu dilku ka dhacay gaaray ciidamada amniga magaalada Beledweyne.
Nabadoon Cabdulle Macalin Muxumed oo ahaa nabad doon si weyn looga yaqaanay gobolka Hiiraan ayaa waxaa la toogtay xilli uu kasoo baxay Masjid uu kusoo tukaday salaadda Maqrib xaafadda Hawl-wadaag ee magaalada Beledweyne Laanteeda Hiriwaa.
Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Hiiraan Col.Isaaq Cali Cabdulle ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in labo nin oo dhallinyaro ah oo wajiga soo duubtay iney ay dilka u gaysteen Nabadoonka isla markaane ya goobta ka baxsadeen markii ay dilka geysteen.
Taliyaha qaybta booliska ayaa tilmaamay iney ciidamada amniga dowladda ay goobta uu dilku ka dhacay ka wadaan baaritaano ay ku doonayaan iney caddaalada ku hor keenaan dhagar qabayaashii ka danbeeyey dilka Alla ha u naxariistee Nabadoon Cabdulle Macalin Muxumed.
Lama oga ujeedada loo dilay nabaddoonka iyaga oo ay goobta ka baxsadeen raggii dilka gaystay, Col. Isaaq Cali Cabdulle ayaa ku eedeeyay Al-shabaab ku eedeeyey masuuliyadda dilka nabadoonka,dilkan ayaa daba socda dilal hore uga dhacay magaladaasi oo loo geystay Nabadoonka caan ka ahaa gobolka Hiiraan.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho