Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Howlgallo ammaanka lugu xaqiijinayo oo Kismaayo laga sameeyey iyo tiro dad ah oo la soo qabtay

$
0
0
Magaaladda Kismaayo

Magaaladda Kismaayo

Kismaayo[RBC Radio]Magaaladda Kismaayo ayaa maantey ku jirtay jawi ka duwan kuwii horey ay magaaladda ku jiri jirtay,kadib markii maantey ay shacabka indhaha kusoo kala qaaden ciidamo usocda raxan raxan kuwaaso gaaf wareegaya guudd ahanba xaafaddaha ay ka kooban tahay magaaladda saldhigga uu ah maamulka Jubba ee Kismaayo.

Magaaladdu waxay xalay ku waabarisatey bandow,kadib markii howlgallo an horey loo arag ay bilaaben ciidamada loo yaqaan Boliis Militaaro,kuwaaso qeyb ka ah ciidamada ammaanka u qaabilsan maamulka Jubba.

Guddoomiyaha degmada Kismaayo C/laahi Qaldaan ayaa warbaahinta waxaa uu maantey uga waramey howlgalladan ballaaran ee magaaladda kasocda iyo ciidamada tirada baddan ee raxan raxan magaaladda u gafwareegaya,waxana uu sheegey ujeedka howlgallkaan inuu yahay sidii ay gacan buxda ugu qaban lahaayeen ammaanka magaaladda xarunta uu ah gobolka Jubbada Hoose.

…”"”‘Ciidamadan ad aragtaan waa kuwo lugu magacaabo Boliis Militaaro,waxana si gaar ah ay ugu tababaranyihiin sugida ammaanka iyo ka hortaga cidkasta oo isku dayda inay geesato falal ammaanka lidi ku ah,ciidamaduna waxay howlgallo ka sameeyen guud ahanaba xaafadda ay ka kooban tahay Kismaayo…”"‘ayuu yiri C/laahi Qaldaan guddoomiyaha degmada Kismaayo.

Sidoo kale guddoomiyuhuu waxaa uu soo hadal qaadey in ciidamada howlgallka sameeyey kusoo qabteen tiri dad ah oo looga shakisan yahay inay isku howlayeen inay sameeyan falal ammaanka lidi ku ah,labaatameeyo qof ayuu yeeshey inay ciidamadu gacanta ku ahaayn,xiligaan gacanta ciidanka ay ku jiraan dadkaas looga shakiga gabo inay maleegayen falal ammaanka ka baxsan.

Waxaa hawadda ka maqna isgarsinta magaaladda Kismaayo illaa saakay kadib markii ciiidamadu ay wadeen howlgallada ay ku xaqiijinayan ammaanka magaaladda Kismaayo.

Si kasta oo ay noqotaba waxaa dhawaan lugu wadda in magaaladda Kismaayo ay gaaran wafti kasocda dowladda faderaalka Soomaaliya,waxaa waftiga lugu wadda inuu qeyb ka noqdo madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud,waxana la saadalinaya sababaha xiligaan kentey in howlgallo laga bilaabo magaaladda Kismaayo inay salka ku hayso imaatinka waftigaasi lugu waddo inay Kismaayo soo gaaran si ay usii xoojiyan heshiiskii Addis Ababa oo la isla gartey in wafti labada dhinac ay isugu tagaan shirar ka dhacaya Kismaayo iyo Muqdisho waxana Muqdisho gaaray wafti uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulka KMG-ah ee Jubba.

_____________

Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles