Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Axmed Karaash”Waftiga Puntland ee Taleex jooga waxay nagala shaqeeynayan sidii looso celin lahaa gobolka Sool”

$
0
0
Axmed Cismaan Cilmi (Karaash) oo ka mid ah madaxweynayaasha maamulka Khaatumo

Axmed Cismaan Cilmi (Karaash) oo ka mid ah madaxweynayaasha maamulka Khaatumo

Taleex[RBC Radio]Maamulka Khaatumo ee saldhiggiisu yahay degmada Taleex ayaa markii ugu horeysey ka hadley ujeedka rasmiga ah ee ka danbeysa socdaalka ay Taleex ku joogan wafti kasocda dowladda Puntland oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka PuntlandGen. Cabdisamad Cali Shire.

Axmed Cismaan Cilmi (Karaash) oo ka mid ah madaxweynayaasha maamulka Khaatumo ayaa xili uu lahadley warbaahinta guddaha waxaa ka warbixiyey socdaalka ay Taleex ku joogan waftiga Puntland kasocda,waxana uu sheegey in tagi taanka degmada Taleex ee waftiga Puntland ay ka danbeysey kadib markii ay iyagu u yeeren madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdisamed Cali Shire si uu ula dhameeyo arrimo dhoor ah oo ka jira deegaanka.

Axmed Karaash sidoo kale waxaa uu sheegey inay kulan la qaaten Gen. Cabdisamad Cali Shire madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayna kala hadlen arrimo badan oo ku aadan sidii uu ugala shaqeyn laha xaaladda xiligaan ka jira deegaanka.

…”"”‘Waanu la kulaney watiga madaxweyne ku-xgeenka Puntland ee Taleex kusugan waxana kala hadalney arrimo dhoor ah oo xiligaan ka dhex taagan deegaanada Khaatumo,waxana isla soo qaadney sidii uu noola dhameen laha arrimaha oo intooda badan uu nooga fara dhuudhuban yahay,socdaal kooda ay Taleex ku yimaadena waxaa uu ahaa mid an anugu dalbaney,waxana jirta in Cabdisamed Cali Shire uu yimiid deegaankiisa iyo dhulkiisa una ka talinayo aayaha dadkiisa iyo dalkiisa…”"‘ayuu yiri Axmed Karaash oo ka mid ah madaxweynayaasha maamulka Khaatumo.

Sidoo kale Axmed Karaash waxaa uu ka hadley qorshe dagaal oo lala damacsanyahay waftiga madaxweyne ku-xigeenka Puntland ee kusugan degmada taarikhiga ah ee Taleex,waxana uu sheegey in qorshahaasi ay wadaan xubno ka tirsan masuuliyinta Khaatumo balse waxaa uu tilmaamey inay arrintaasi si weyn uga soo horjeedan ayna ka hortagi doonan cidii isku deyda dagaal ka dhan ah waftiga Puntland.

Waftiga madaxweyne ku-xigeenka Puntland ee kusugan Taleex

Waftiga madaxweyne ku-xigeenka Puntland ee kusugan Taleex

…”"”Waxaa wax laga xumaadu ah in ay jiraan masuuliyin ka tirsan Khaatumo inay wadaan abaabulo dagaal oo ka dhan ah wefdiga Cabdisamad Cali shire,wana canbaraynayna ciidi isku day dagaal wadda,arrintaasna ma ahaa mid macqul ah wana ka hortageena cidii  isku dey dagaal abaabuleysa oo lala doonayo Cabdisamad Cali shire iyo waftigiisa socdaalka ku waheliya ee jooga Taleex…”"”ayuu yiri Axmed Karaash.

Khilaaf soo kala dhex -galay madaxda khaatumo

Axmed Cismaan Cilmi (Karaash) waxaa uu sidoo kale hadalkiisa kusoo qadey khilaaf mudadaan xooggeysanayey oo ka dhex jira masuuliyinta Khaatumo,waxana uu sheegey in khilaafka uu dhaliyey in laba dhinac ay noqdaan masuuliyinta Khaatumo.

Waxaa si cadd uu u sheegey Axmed Karaash in masuuliyinta Khaatumo ay ukala baxeen Khaatumo iyo khiyaano,waxana uu tibaaxay inay jiran xubo masuuliyinta Khaatumo ka tirsan oo tafaraaruq ka dhex wadda maamulka.

Wuxuu eedeyn dusha u saarey Axmed Karaash dhinaca uu ku sheegey in la yirahdo G12 oo uu qeyb ka yahay siyaasi Cali Khaliif Galayr,waxan uu inta ku darey in khilaafka labada dhinac uu yimid kadib markii madaxda G12 ay diidan socdaalka uu Taleex ku joogo madaxweyne ku- xigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali,waxana uu sheegey in Cabdisamad Cali uu kala shaqeynayo masuulinyinta Khaatumo danahooda iyo sidii dib loogu soo celin laha dhulkooda ka maqan.

…”"”Waxaa jira in madaxda G12 ay diidan yihiin joogi taanka Taleex ee madaxweyne ku- xigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali,waxana taasi ay dhalisey in khilaaf uu soo kala dhex galo masuuliyinta maamulka oo noqdey labo dhinac,balse Gen. Cabdisamad Cali waxaa uu xiligaan ka shaqeynaya dana dadka ku dhaqan gobollada Khaatumo,waxana xiligana jirta inan iska garabsanaayno sidii loo socelin laha dhulka Khaatumo ka maqan…”"‘ayuu yiri Axmed Karaash.

Qorshaha dib loogu soocelinayo gobolka Sool 

Axmed Cismaan Cilmi (Karaash) waxaa uu intaa ku darey in xiligaan uu jiro isla markaana meel wanagsan marayo qorshe lagu aruurinayo ciidamo ku sugan meelo ka tirsan gobolka Sool, kuwaas oo qeyb ka noqon doona qorshaha dib loogu soo celinayo magaaladda Laascaanood ee xaruunta gobolka Sool, halkaas oo gacanta ugu jirta Soomaaliland mudo ku dhow 7 sanno.

Waxan uu sheegey in arrintaan ay iska garabsanayaan waftiga Puntland ee ku sugan Taleex kuwaaso oo uu sheegey inay iyaguna dadaal ugu jiraan sidii loo so ceelin laha gobolka Sool oo muddo sannado ah ka maqan sida uu sheegey gacantooda,isla markana ay xiligaan ka arrimiyaan maamulka Soomaaliland.

Magaaladda Laascaanod

Magaaladda Laascaanod

…”"”Waxaan iska garabsanaayna waftiga Puntland ee Taleex jooga sidii looso celin laha magaaladda Laascaanood ee xaruunta gobolka Sool, halkaas oo gacanta ugu jirta Soomaaliland mudo ku dhow 7 sano,waxana meel wanagsan inoo maraya qorshe lagu aruurinayo ciidamo ku sugan meelo ka tirsan gobolka Sool, kuwaas oo qeyb ka noqon doona qorshaha dib loogu soo celinayo magaalada Laascaanood..”"‘ayuu yiri Axmed Karaash.

Hadaalka Axmed Karaash ayaa ku soo aadaya iyadoo mudaddanba laga sharqaminayey qorshayaal dagaal oo looga soo horjeedo waftiga madaxweyne ku-xigeenka Puntland ee kusugan Taleex inay wadaan xubno katirsan Khaatumo.

Si kasto ay noqotaba waxaa muddo degmada Taleex kusugan wafti sare oo kasocda Puntland una hor-kacayo madaxweyne ku-xigeenka Gen. Cabdisamad Cali,iyagoona kulamo kala gadisan la qaatey waxgaradka iyo masuuliyinta Khaatumo ee halkaa kusugan.

____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles