Dubai [RBC Radio]Magaaladda Dubai ee dalka Isku tagga Imaaraadka Carabta waxaa maantey si rasmi ah uga furmay shir caalami ah oo looga hadlayo ka hortaga burcad badeeda Soomaalida ee ka qowlaysata biya u dhow Soomaaliya iyo kuwa ka fogba.
Shirkaan ayaa noqonaya kii saddexaad ee ay martigelineyso dowladda Imaaradka Carabta,waxana inta uu socdo la isla soo qaadi doona sidii looga hortaggilaha weerarada gabiska xiligaan galay ee ay geestan burcad badeeddu.
Madaxweynaha dowladda Puntland ee Soomaaliyed Dr.Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb galaya shirka maanta ka furmay magaaladda Dubai.
Waftiga madaxweyne Faroole waxaa qeyb ka ah wasiirka arrimaha guddaha,wasiirka caafimaadka,wasiirka dakeddaha iyo gaadidka iyo xubno kale oo ka tirsan madaxtooyadda Puntland.
Madaxweyne Faroole ayaa lugu wadda in shirkaan uu ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo guulihii Puntland ay ka gartay ka hortagga weeraradda ay ka geestan kooxaha burcad badeedda deegaanada Puntland.
Puntland waxaa ay qeyb ka tahay xubnaha sida weyn ula dagaalamay weerarada ay geesan jiren burcad badeedda Soomaalida oo xeebaha ka fog Soomaaliya ka qafaalan jirey maraakibta ganacsiga iyo kuwa dalxiiska.
Sidoo kale waxaa isna shirkaan ka qeyb galaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo,waxana lugu wadda in madaxweyne Xassan uu isna khudbad uu ka jeediyo shirkaan lugu falaaqeynayo arrimaha burcad badeedda Soomaalida.
Waxaa sidoo kale shirkaan ka qeyb galaya qaar ka mid ah dowladaha daneeya ka hortagga burcad badeeda, rag khubaro ah, shirkado ganacsi.
Waxaa lugu wadda in muddo labo maalin ah uu socdo shirkaan dhinacyada ka qeyb galaysana ay iska xogwarestaan sida looga hortagi karo burcad badeedda iyo xiligaan guulaha laga gaaray inay yaraadan weeraradii ay geesan jiren.
_____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio