Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Saraakiil ka tirsan Hay’adaha Qaramada Midoobay oo Gaalkacyo kula kulmay masuuliyiinta maamulka Galmudug

$
0
0

un 1Gaalkacyo(RBC) Saraakiil ka tirsan hay’adaha Caafimaadka Qaramada Midoobay oo maanta gaaray Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa kulamo la yeeshay masuuliyiinta caafimaadka Maamulka ka arimiya Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug oo ay ka wada hadleen sidii aysan u joogsan lahayn hawlihii Caafimaadka ee Cisbitaalka Koonfurta Gaalkacyo kadib bixitaankii Hay’addii MSF ee gacanta ku haysay Cisbitaalka.

Saraakiisha ka socota  hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa kulan saacado qaatay maamulka Galmudug kula yeeshay gudaha xarunta Cisbitaalka Koonfurta Gaalkacyo,agaasimaha wasaaradda Caafimaadka maamulka Galmudug Cumar Cabdi Maxamed ayaa warbaahinta tafaasiil kasiiyey waxyaabihii ay kala hadleen Saraakiisha Qaramada Midoobay ee ay kulanka la yeesheen.

Agaasimaha wasaaradda caafimaadka Galmudug ayaa sheegay iney u bandhigeen baahida caafimaad ee ka taagan deegaanka kadib bixitaanka hay’adda MSF,wuxuuna tilmaamay iney dhankooda miiska soo saareen Mashaariic la xiriira adeegyo  caafimaadka  oo ay ka fulinayaan Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Cumar Cabdi ayaa tilmaamay iney ku heshiiyeen ineysan hakan hawlihii uu Cisbitaalka Koonfurta Gaalkacyo u hayey bulshada Galmudug,wuxuuna sheegay in hay’adda ICRC ay ballan qaaday iney gacanta ku dhigayso hawlaha Cisbitaalka Koonfurta  magaalada Gaalkacyo.

Wixii ka danbeeyey markii ay hay’addii MSF ku dhawaaqday iney gabi ahaanba joojisay hawlihii caafimaad ee ay ka waday gudaha Soomaaliya,waxaa guud ahaanba istaagay hawlihii Cisbitaalka Koonfurta Gaalkacyo,qurba joog is xilqaamay ayaa isku hawlay sidii aysan u joogsan lahayn hawlaha Cisbitaalka,waxayna ku guuleysteen iney dib u hawlgaliyaan qaybo ka mid ah Cisbitaalka.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles