Muqdisho (RBC) Warar laga helayo saraakiil boolis oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada nabadsugida dawlada federaalka Soomaaliya ay xabsiga dhigeen taliyihii xabsiga dhexe ee Xamar Korneyl Maxamed Xuseen Axmed (oo loo yaqaano Sabdow) kadib markii lagu edeeyay in xabsiga laga waayey maxaabiis ku jirtay.
Wararka laga helayo ilo wareedyada booliska ayaa sheegaya in taliyaha xabsiga la qabtay saddex maalmood ka hor kadib laguna xiray xarunta ciidamada dembi baarista ee magaalada Muqdisho.
Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa dhowaan laga waayey tiro maxaabiis ah oo ku eedeysneyd dembiyo kala duwan, ayna ku jireen rag ku eedeysan ka mid ahaanshaha kooxda Al Shabaab.
Taliyaha la xiray ee masuulka ka ahaa xabsiga dhexe ayaa la sheegay inuu dhaqaale ku siidaayey maxaabiista oo qaarkood xulkun dil ah ku xukunaa iyo qaar ku xukunaa sanado badan oo xarig ah.
Dadka xabsiga laga waayey waxaa ka mid ah nin dhalinyaro ah oo dhowr bilood ka hor lagu xukumay dil toogasho ah ka dib markii lagu heley iskuday dil fashilmay oo uu la maaganaa abaanduulihii hore ee ciidamada dawlada Gen C/kariin Dhagabadan.
Xariga taliyaha xabsiga dhexe illaa hadda ma jirto cid ka hashay, waxaana uu ku soo beegmay iyadoo wasaaradda arrimaha gudaha ay dhowaan xilalkii ka qaaday taliyihii booliska gobolka Banaadir iyo madixii hawlgelinta booliska oo labadaba lagu eedeeyay inay ku guul dareysteen ka hortaga qaraxyadii toddobaadkan bilawgiisii ka dhacay Muqdisho ee ay ku dhinteen dad ka badan 20 ruux oo rayid ah.
Sanad ka hor ayaa maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dawlada federaalka ah waxay xabsi daa’in ah ku xukuntay taliyihii hore ee xabsiga dhexe G/lle Sare Cabdi Maxamed Ismaaciil isagoo dalka ka baxsaday kadib markii lagu eedeeyay dad uu ka siidaayey xabsiga dhexe.
RBC Radio