Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20356

R/wasaare Saacid oo dalka dib ugu soo laabtaykana warbixiyey Socdaal uu ku tagay dalalka Sucuudiga,Yaman iyo Jabuuti

$
0
0

saacid 1Muqdisho(RBC Radio) R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid iyo wafti uu hogaaminayo oo maalmahan danbe dalka safar uga maqnaa ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyey,xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumadda,xildhibaano,maamulka gobolka Banaadir iyo dadweyne ka kala yimi degmooyinka gobolka Banaadir,Cabdi Faarax SHiirdoon ayaa qaybta nasashada garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kula hadlay warbaahinta.

Wasiirka Koowaad ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shirkiisa Jaraa’id kaga warbixiyey safaro uu ku tagay wadamada Boqortooyada Sucuudiga,Jabuuti iyo Yaman,R/wasaare Saacid ayaa ku hormaray booqashadii uu ku tagay dalka Sucuudiga,wuxuuna tilmaamay iney dowladda Sucuudiga lasoo galeen heshiis dhinacyo badan taabanaya.

R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon ayaa sheegay iney ku heshiiyeen in Sucuudigu uu kaalin weyn ka qaato dib u dhiska dalka dalka iyo taageeridda shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna tilmaamay in boqortooyada Sucuudigu ay wax badan ka bedei doonto Tarxiilka ay ku hayso dadka Soomaaliyeed,wuxuuna intaa raaciyey iney ku isku afgarteen madaxda dalkaas in Soomaalidu ay Kooto shaqaalaysiin ah sanad walba ka hesho dalkaas.

Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid R/wasaaraha dalka ayaa dhanka kale ka warbixiyey safarkii uu ku tagay dalka  aan walaalaha nahay ee Jabuuti,wuxuuna tilmaamay iney kala saxiixdeen heshiis ku saabsan iskaashi dhanka amniga iyo Milateriga ah iyo sidii loo xoojin lahaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

R/wasaare Saacid ayaa sidoo kale sheegay in markii uu gaaray dalka Yaman uu la kulmay madaxweynaha dalka Cabdul Haddi Mansuur iyo madax kale oo uu ka mid yahay R/wasaaraha dalkaas,wuxuuna tibaaxay iney ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo dhibaatooyinka qaxootiga Soomaaliyeed ku haysta dalkaas.

R/wasaare Saacid ayaa hoosta ka xariiqay in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaa ay sida ugu dhaqsaha badan u heli doonaan Taakulayn deg deg ah,Saacid ayaa ballan qaaday in dowladaha Soomaaliya iyo Yaman ay iska kaashanayaan sidii loo caawin lahaa qaxootiga Soomaaliya ee ku dhibaataysan xeryaha qaxootiga wadanka yaman.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20356

Trending Articles