Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dhaqaatiir Muqdisho shir Jaraa’id ku qabtay oo ka digay halista Cudur waxyeelleeya Aragga dadka waaweyn oo dalka laga helay

$
0
0

muq kkkkkkMuqdisho(RBC Radio) Dhaqaatiirta qaabilsan caafimaadka Indhaha ee ka hawlgala Cisbitaalada ku yaal magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo maanta ay Muqdisho ku qabteen inuu dalka ka dilaacay Cudur halis ah oo dadka indhaha tira.

Dhaqaatiirka SHirka Jaraa’id qabatay oo kala ah Dr.C/samad Xasan Maxamuud,Dr.Axmed Maxamed Shiine iyo Dr.C/llaahi Cumar Rooraaye,waxayna sheegeen in dalka laga helay Kiisas la xiriira Cudur ay sheegeen inuu hore dad badan oo dunida ku nool indha uga naafeeyey.

Dhaqaatiirta ayaa sheegay in Cudurkani uu inta badan ku dhoco dadka ay da’doodu kor u dhaafto 40 Jirka,waxayna kula taliyeen bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka waaweyn iney iska baaraan Cudurkan oo ay sheegeen inuu indha la’aan dhigay in ka badan 60 Milyan oo ruux oo dunida ku nool.

Dhaqaatiirka ayaa uga digay bulshada Soomaaliyeed Cudurkan ay tilmaameen inuu indha la’aanta sababayo,waxayna tibaaxeen iney bilaabayaan olole soconaya muddo 6 bilood ah kaasoo ay kaga hortagayaan faafidda Cudurka waxyeeleeya indha Aadanaha ee sida ay sheegeen laga helay gudaha dalka.

Dhaqaatiirta ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digay halista Cudurkan waxayna ku booriyeen iney tagaan Cisbitaalada qaabilsan Cudurada Indhaha si looga baaro Cudur,isla markaane loo siiyo talooyin ku saabsan sidii looga digtoonaan lahaa Cudurkaasi.

Dalka Soomaaliya oo muddo ka badan 22 sano aan ahayn dowlad dhexe oo shaqaysa ayaa waxa uu hooy u noqday Cuduro badan oo dunida kale laga cirib tiray,waxaana dhawaan sidoo kale dalka laga helay Cudurka Dabaysha ee ku dhaca dadka waaweyn,waxaana xiligan dalka ka socda olole lagu cirib tirayo Cudurka Dabaysha.

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles