Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ciidankii dhawaan Madaxweyne Xasan SH Tababarka ugu soo xiray Beledweyne oo xaafadaha magaaladaasi ka wada hawlgallo amniga lagu xaqiijinayo

$
0
0

beledweyneBeledweyne(RBC Radio) Boqolaalkii askri  ee madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud uu dhawaan tababarka ugu soo gabagabeeyey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa hawlgallo amniga lagu sugayo ka bilaabay xaafadaha magaalada Beledweyne.

Ciidamadan oo tiradoodu gaareyso ilaa Afar Boqol oo askari ayaa waxa ay magaalada xaafadaha magaalada Beledweyne ka bilaabeen baaritaano iyo hawlgallo lagu xoojinayo amniga magaaladaasi,ciidamada ayaa lagu arkayaa gudaha xaafadaha Beledweyne,waxayna halkaa ka wadaan hawlgallo ay ku doonayaan iney ku xaqiijiyaan nabadgalayada degmada Beledweyne .

Taliyaha booliska magaalad beledweyne Col. Cali DHuux Cabdi <ahad Alla oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey hawlgalka ay magaalada Beledweyne ka wadaan ciidanka cusub ee dhawaan loosoo xiray tababarka,wuxuuna sheegay in ciidamadu ay hawlgalkooda kusoo qabqabteen dad badan oo qalqal amniga ku hayey sida uu sheegay.

Taliyaha ayaa tibaaxay in saacadaha soo socda saxaafadda loosoo bandhigi doono waxyaabaha ay ciidamadu hawlgalka kusoo qabteen,ciidamadan ayaa waxaa tababar in muddo ah uga socday xerada Gaaska Shanaad ee ciidanka xoogga  dalka ee Lamagalaay usoo xiray madaxweyne Xasan SH xiligii uu booqashada ku tagay magaalada Beledweyne.

Ciidamada dalka Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa bixiyey tababarka ay qaateen ciidamadan cusub ee lagu biiriyey ciidamada dowladda.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles