Muqdisho (RBC) Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay [10/09/2013] wuxuu u dabaaldegay sanadguuradii koowaad ee doorashadiisa isagoo khudbad uu ka jeediyey baarlamaanka federaalka ah ku sheegay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda iyo guud ahaan dawlada uu isagu hogaamiyo.
Haddaba aanu bal dib u eegno sanad kadib shaqada ay qabatay dawlada federaalka ah oo ahaud tii ugu horreysay oo gudaha dalka lagu doorto, muddo 2o sano ah. Dawladan waxay sidoo kale ahayd tii ugu horreysay ee soo afjartay waqtigii ku-meelgaarka ahaa ee soo qaatay 11 sanadood, kadib markii ay dhacday dawladii hore ee militariga ee dalka.
Qiimeyn kasta oo lagu sameynayo waxqabadka dawlada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa miisaan lagu saari karaa qodobadii lixda ahaa ee uu madaxweynuhu soo bandhigay markii la doortay, taasoo ay ku caddaayeen lix arrimood oo waaweyn oo ay dawladu sheegtay inay ku dhaqaaqeyso.
Waa suurtagal in dad badan ay ku doodi karaan in 12 bilood (hal sano) aysan ku filnaan karin qiimeyn qotodheer oo lagu eego waxqabadka xukuumadda guud ahaan, hase yeeshee waxaa lagu qiyaasi karaa tallaabo qaadka dawladda illaa iyo maanta.
Haddaba aan din u jaleecno .ixdii qodob ee ay dawlada madaxweyne Xasan Sheekh ku dhawaaqday bishii Sebtembar ee sanadkii hore:
1- Soo celinta amniga iyo xasiloonida (Strategy 1: Restoration of peace and stability)
Qodobka koowaad ee ay dawlada madaxweyne Xasan sheegtay inay ahmiyada siineyso wuxuu ahaa soo celinta amniga guud ee dalka iyo xasilinta, kaasoo dad badan ay qabaan inuu hoos uga dhacay maanta meeshii uu taagnaa sanad kahor.
Hay’adaha amaanka ee dawlada waxay illaa hadda maaro u la’ yihiin wax ka qabasha qaraxyada, weerarada qorsheysan iyo dilalka bareerka ah ee ay Al Shabaab iyo kooxaha kalaba dalka ka fuliyaan, gaar ahaan magaalada caasimada ee Muqdisho. Weeraradii ugu weynaa ee ay Al Shabaan qaadeen sanadkan waxaa ka mid ahaa weerarkii xarumaha Maxkamadaha ee degmada Xamarweyne ee bishii April, weerarkii xarunta Qaramada Midoobay ee 19-kii June iyo weerarkii xarunta safaaradda Turkiga bishii July.
Inkastoo ay jireen weeraro iyo qaraxyo kale, haddana saddexdan weerar waxay ahaayeen kuwo bannaanka soo dhigay taagdarrida hay’adaha amaanka dawlada Soomaaliya marka loo eego goobaha ay ka dheceen weeraradan oo ahaa goobo si weyn loo ilaaliyo ayna joogaan boqollaal askari saacad kasta.
Xasilinta dalka waxaa qeyb ka ahaa sii wadista hawlgalada dib loogu xireynayo gobollada iyo degmooyinka ku jira gacanta ururka Al Shabaab, taasoo iyana dib u dhac weyn uu ku yimid. Dad badanna waxayba qabaan in dawlada madaxweyne Xasan Sheekh aysan xitaa weerar ku qaadin Al Shabaab mudadii sanadka ahayd ee ay jirtay dawladda, taasoo kooxaha mucaaradka siisay awood ay ku dhistaan ciidamadooda, hub ku urursadaan kuna soo qorsheeyaan weeraro ka dhan ah dawlada iyo shacabka.
Qaadistii isbaarooyinka Muqdisho
Dawlada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay ku faani kartaa inay Muqdisho oo ah caasimadii dalka ka burburisay illaa 60 isbaaro (jidgooyo) oo si xoog ah gaadiidka lacago looga qaadan jiray. Isbaarooyinkan oo ay dhigteen maleeshiyaad beeleedyo ku xiran masuuliyiinta degmooyinka ayaa qeyb ka ahaa amni darrida Muqdisho ka jirtay, waxayna ahayd tallaabo ay dadku u riyaaqeen.
Garsoor madax bannaanka oo shaqeynaya
Inkastoo madaxweyne Xasan Sheekh uu si adag ugu celceliyey ka dhabeynta garsoor madax bannaan, haddana dad badan oo Soomaaliyeed illaa maanta ma arkaan ballanqaadkaasi. Doodihii dhulka, musuqmaasuqa lagu eedeynayo hay’adaha garsoorka iyo isjiidjiidka waxaa laga dareemi karaa maxkamadaha dalka haddii aad tagto- waana mid ka mid ah sababo badan oo ka qeybqaadanaya amni darrida ka jirta gudaha dalka.
Marka Soomaalida laga tago, waxay bulshadu caalamka weli xusuusataa fadeexadii ay hay’adaha garsoorka u soo jiideen guud ahaan magaca qaranka, markii ay si aad u nasiib xun u maareeyeen dacwadii gabar ka mid ah barakacayaasha Muqdisho ay sheegatay kufsi ay u geysteen askarta dawlada iyo wariyihii wareystay oo bishii Jannaayo 10-keedii 2013 xabsiga la dhigay laguna xukumay xarig min hal sano ah. Dacwadaasi waxayu aalhirkii keentay in maxkamaduhu iska siidaayaan wariyaha iyo haweeneyda la kufsaday iyadoon la baarin, lana soo qaban dadkii kufsaday.
Walow ay dawladu qabatay shirkii dib u habeynta garsoorka, talooyinna laga soo jeediyey, haddana ku camal falkiisa ma muuqdo. Saraakiisha garsoorka dhamaantood waa kuwii xilli ku-meelgaarka shaqeynayey kuwaasoo ku soo shaqeeyay, aadna ugu caanbaxay marxaladii fawdada- in badan oo ka mid ahna lagu xanto caddaalad darro.
2- Dhismaha dhaqaalaha
Qodobka dhaqaalaha ayaa ahaa mudnaanta labaad ee bayaankii madaxweynaha. Wax badan iskama bedelin, kumana kordhin dhaqaalaha Soomaaliya, waxaase jirta in sicirka lacagta Shilinka Soomaalifa oo baaba’sanaa uu weli heerkiisa mid ka hooseeyo taagan yahay, taasina waxay saameyn toos ah ku leedahay isbedelka nolosha dadka.
Soomaaliya ma lahan horumar dhaqaale, hase yeeshee waxa la isweydiinayo ayaa ah soo kabashada nolosha (maciishada) qoyska Soomaaliyeed. Weli shaqo abuur kama jiro dalka, wax soo saarkii kheyraadka badda iyo berigana waxaa uu burburay xilli hore, mana ahan waxyaabaha la filayey in dawladu waqti ku dhow ku gaari karto.
Laakiin arrinta ay durba dadka reer Muqdisho, gaar ahaan ganacsatada kuu sheegayaan ayaa ah inay dawladu laban-laab qiimihii canshuurta dekedda Muqdisho ay kor u qaaday, tiiyoo ay dheer tahay inaan la wada bixin adeegyadii bedelka u noqon lahaa canshuurtaasi oo ay ku jiraan amni la isku halleyn karo.
Dawladu waxay ku doodeysaa inay ka guuleysatay mususqmaasuqa dawladihii ka horeeyay lagu eedeyn jiray. Waa tii dhowaan dawlada Soomaaliya hay’ad qareeno Mareykan ah oo ay kireysatay warbixin ay qortay uga jawaabtay eedeyntii guddiga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Eritrea.
3- Nabadda iyo Dib u heshiisiinta
Waxaa la dhihi karaa weli waa qabyo, laakiin tallaabo fiican waxay dawladu ka qaaday gobolada qaarkood ee ay dhibaatooyinka ka jireen. Labada gobol ee Shabeelaha Hoose iyo Jubbada Hoose, waxay ahaayeen kuwa kaliya ee ay dhibaatadooda la bilaabatay dhismihii dawladan. Arrinta Shabeelaha Hoose waxay hadda ku dhowdahay dhammaad kadib markii shirar dib u heshiisiin ah lagu qabtay Magaalooyinka Muqdisho iyo Marka.
Caqabadii ka jirtay Jubbooyinka ayaa iyaduna inteeda badan u muuqata in la isaga soo dhowaaday, walow in ficil dhulka taabta oo saameeya bulshada deegaanka aanu hirgelin haddana, isfahamka guud ee laga gaaray Colaadii Kismaayo dawladu kuma guuldareysa.
Taageerayaasha dawlada waxay kaloo ku doodi karaan in maamulka Somaliland oo aad ugu dheganaa ka go’ista Soomaaliya ay maanta joogaan meel ka dhow mowqifkaasi oo dawlada Muqdishana ay soo dhoweysay. Wasiirka arrimaha gudaha Dawlada Federaalka ayaa markii ugu horreysay booqasho ku tagay Hargeysa iyo Berbera sanadkan. Laakiin waxaan la qarin karin in Maamulka Puntland oo sanad ka hor dawlada federaalka jaalayaasheeda ka mid ah uu hadda sii fogaanayo cabasho badanna uu ka qabo hoggaanka dawlada.
4- Gaarsiinta Adeegyada bulshada
Waxay ka mid ahayd ballanqaadkii madaxweynaha uu ku taamayey. In degmo kasta oo dalka ka mid ah ugu yaraan ay hesho hal iskuul, ceel biyood, xarun caafimaad iyo saldhig boolis weli waxay ka mid yihiin waxyaabaha dadku ka sugayaan in dawladu u fuliso waase tallaabio fulinteedu ku xiran tahay amniga iyo xasiloonida oo wax walba ka horeeya.
Madaxweynaha laftiisa ayaa shalay markii uu hortagay kalfadhiga saddexaad ee baarlamaanka wuxuu qiray in sanadka dambe ay bilaaban doonaan helista adeegyada bulshada ee ay hore u ballanqaadeen isagoo sheegay in sanadkii koowaad uu ku dhanmaaday soo helista mashaariicda.
5- Midnimo Qaran
Taageerayaasha dawlada waxay kaloo ku doodi karaan in maamulka Somaliland oo aad ugu dheganaa ka go’ista Soomaaliya ay maanta joogaan meel ka dhow mowqifkaasi oo dawlada Muqdishana ay soo dhoweysay. Wasiirka arrimaha gudaha Dawlada Federaalka ayaa markii ugu horreysay booqasho ku tagay Hargeysa iyo Berbera sanadkan. Masuuliyiinta dawlada illaa madaxweynaha, raysul wasaaraha iyo wasiiradaba waxay ku celceliyaan in adkeynta midnimada ay muqadas u tahay, dabcana reer Hargeysa awalba dood kama qabin ee siyaasiyiinta unbay arrinuhu ka dhex socdeen.
Laakiin waxaan la qarin karin in Maamulka Puntland oo sanad ka hor dawlada federaalka jaalayaasheeda ka mid ah uu hadda sii fogaanayo cabasho badanna uu ka qabo hoggaanka dawlada.
Dood kale waxay kajirtaa hirgelinta habka federaalka ah oo aysan Soomaalida khibrad iyo aqoon toona u lahayn, ma noqon doonaa mid u adeega adkeynta midnimada dalka mise nin kasta siduu doonuu u fasiran doonaa, oo wuxuu horseedi doonaa madaxweynayaal qabiil, sida haddaba ka dhex taagan dawlada iyo maamulada qaarkood.
6- Xiriirka caalamiga ah
Dood badan kama jirto in guulaha kaliya ee la tilmaami karo ee ay gaartay dawlada madaxweyne Xasan Sheekh ay yihiin kuwa dibadda ku saabaan. Waxay dawladu soo ceshatay aqoonsigii diblomaasiyadeed ee Mareykanka, waxaa shirweyne sare loogu qaaday meeqaamka dawlada lagu qabtay London.
Bangiga adduunka iyo hay’adda lacagta adduunka (IMF) ayaa iyaguna soo celiyey xubinimadii Soomaaliya ee maqneyd dhowr iyo labaatanka sano.
Waxay dawladu dib u furtay safaarado ay ka mid yihiin Shiinaha, South Afrika iyo UK iyadoo dib u habeyn lagu sameeyay diblomaasiyiintii Soomaaliya u joogay wadamada dunida qaarkood.
Markii ugu horreysay, waxaa dawlada federaalka u suurtagashay inay Qaramada Midoobay ku qanciso soo wareejinta maamulkii hawada Soomaaliya oo bisha Jannaayo 2014 lagu soo celin doono Muqdisho.
WQ: Cabdalle Muumin
Muqdisho,
Email; Cabdallemuumin2@gmail.com