Hargeysa(RBC Radio) Maamulka Soomaaliland ayaa tababar u furay Maleyshiyaad u abaabulnaa qaab beeleed kuwaas oo dhawaan la qarameeyey kadib markii ay isku dhiibeen ciidamada maamulka Soomaaliland,wasiirka gaashaandhigga maamulka Soomaaliland Axmed Xaaji Cali ayaa shaaca ka qaaday iney tababar u fureen boqolaal Maleyshiyaad ah oo lagu biiriyey ciidanka maamulka.
Axmed Xaaji Cali oo ka hadlayey kulanka golaha wakiilada Soomaaliland ayaa sheegay in wasaaradiisu ay qarameysay ku dhawaad Labo Boqol oo markii hore u abaabulnaa qaab qabiil,wasiirka ayaa tilmaamay in Malaeyshiyaadkaas lagu biiriyey ciidamada maamulka Soomaaliland loo furay tababar lagu barayo hab dhaqanka ciidanka iyo waajibaadka laga rabo.
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliland ayaa tilmaamay in ciidamadan ay qayb ka yihiin Malaeyshiyaad fara badan oo ku sugan deegaanada maamulkaas oo u baahan in la qarameeyo,wuxuuna sheegay in maamulka Soomaaliland uu ku dadaalayo sidii ciidamada loogu biirin lahaa Maleyshiyo beeyeedyada hubaysan.
Axmed Xaaji Cali wasiirka gaashaandhigga maamulka Soomaaliland ayaa tibaaxay in ciidamada ay tababarka u fureen iney badankoodu kasoo jeedaan gobolka Sanaag,wuxuuna xusay in dhalinyaradani ay yihiin kuwo faa’iido u leh ka mid noqoshada ciidanka qaranka maamulkaas sida uu sheegay.
Wasiirka gaashaandhigga maamulka Soomaaliland ayaa ka dalbaday golaha wakiilada maamulkaas iney kala shaqeeyaan sidii loo meeleyn lahaa dhalinyarada faraha badan ee ku dhaqan deegaanada maamulkaas.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho