Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dolwadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan SH Maxamuud oo shalay oo ku beegneed markii ay sanad jirsatay dowlada uu hogaaminayo ayaa sheegay isaga oo ka hor hadlayey mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya in dowladdu ay wax weyn ka qaban doonto adeegga caafimaadka dalka.
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud ayaa daboolka ka qaaday in dowladdu ay waddo qorshe ballaaran oo la doonayo in magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya looga hirgalinayo Cisbitaalo laga heli karo dhammaan baahida caafimaad ee ay qabaan shacabka Soomaaliyeed.
“Sanadka soo socda Muqdisho waxay noqon doontaa meel baahida caafimaad ee dibadda loo aado ka maaranta,waxaan rajayneynaa in dhammaan adeegyada caafimaadka ee bulshadu u baahan yihiin oo la heer ah caafimaadka dunida”ayuu yiri madaxweyne Xasan SH Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa ku nuuxnuuxsaday in dowladdu ay dadaal ugu jirto sidii loo hormarin lahaa adeegyada bulshada,madaxweynaha ayaa tibaaxay iney sanadaha soo socda ku rajo weyn yihiin iney adeegyo caafimaad oo casri ah gaarsiiyaan gobolada kale ee dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ka kaaftoomi doonaan dhibaatadii ay ku qabeen iney adeegyada caafimaad ugu safraan wadamo fog fog,Soomaaliya ayaan muddooyinkii danbe la hayn Cisbitaalo laga heli karo dhammaan adeegyada caafimaad ee bulshadu u baahan yihiin.
Dad badan oo danyar ah oo la ildaran xannuuno dalka gudihiisa wax looga qaban waayey,isla markaane awoodi waayey iney iska bixiyaan kharashaadka faraha badan ee ku baxa Caafimaadka dalka dibabadiisa loo aado ayaa u dheg taagaya ballan qaadka madaxweyne Xasan SH ee la xiriira in dalka dhawaan laga heli doono adeegyadii dibadda loo aadi jiray.
RBC Radio