Kismaayo[RBC Radio]Magaaladda Kismaayo oo saldhigg uu ah maamulka KMG-ah ee Jubba waxaa maantey gaaray wafti ballaaran oo ka socdey hay’adda caafimaadka u qaabilsan adduunka ee la yirahdo World Health Organization .
Waftigaan xiligii uu ka soo dagayey garoonka diyaaradda ee Kismaayo waxaa halkaa kusoo dhaweeyey masuuliyin maamulka Jubba u qaabilsan caafimaadka iyo qar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Xubnahaan ka socdey World Health Organization hay’adda caafimaadka adduunka ayaa markiiba koormer kusoo kala bixiyey goobaha caafimaadka iyo Isbitaalka guud ee Kismaayo kaaso xiligaan uu ka jiro bur bur xoogan,maadama usan daryeel helin tan iyo markii ay meesha ka baxdey dowladdii dhexe ee dalka.
Sidoo kale waxaa qeyb ka ah waftiga ka socda hay’adda caafimaadka adduunka xubno qaabilsan dibu dhiska iyo dayactirkan,waxana masuuliyin uu hadashey Isbitaalka guud ee Kismaayo ay sheegen in dhawaan la bilaabi doono dayactirka Isbitaalka oo xiligaan bur bur xoogani ka muqdo.
…”"‘Waxaa ay balan qaaden waftiga maantey inoo yimid inay dhisayaan isbitaalka guud oo an daryeel helin 22-kii sanno ee ugu danbeysey,waxay sheegen in xili dhow ay bilaabi doonan dhismaha Isbitaalka iyo qalabeyntiisa…”"“ayuu yiri masuul u hadley Isbitaalka guud ee Kismaayo.
Socdaalka waftiga kasocda World Health Organization hay’adda caafimaadka adduunka waxaa uu kusoo aadaya xili magaaladda Kismaayo ay ka jiraan baahiyo dhanka caafimaadka ah,walow ay hadda sheegen inay dhamanba ay ka bidoonan baahidda dhanka caafimadka ah.
__________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio