Dhuusamareeb(RBC) Maamulka ahlu sunna waljamaaca ayaa dhaleeceeyey shirweynaha ay magaalada Muqdisho ku leeyihiin culima udiinka Soomaaliyeed,gudoomiyaha golaha talada maamulka ahlu sunna SH Cumar C/qaadir ayaa shaaca ka qaaday ineysan shirkaas ka qaybgaleen cid ka socota maamulkooda.
SH Cumar ayaa sheegay in shirka looga hadlayo xaqjirnimada Soomaaliya ee ka socda magaalada Muqdisho inuu yahay shir dhibaato u horseedaya Diinta iyo dalka sida uu sheegay,wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu shirkaasi yahay mid dano gaara laga leeyahay.
Gudoomiyaha golaha talada maamulka ahlu sunna SH Cumar C/qaadir ayaa sheegay ineysan sax ahayn in shirka Ciiwaan looga dhigo in looga hadlayo xagjirnimada xilli sida uu sheegay shirka lagu casuumay dadkii dalka keenay xaqjirnimada sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna hoosta ka xariiqay inaan shirkaas lagu casuumin dadkii diinta ehelka u ahaa.
SH Cumar ayaa tibaaxay in ahlu sunna aysan qusayn go’aanada iyo bayaanada ka soo baxa shirkaas,wuxuuna beeniyey iney jiraan culimo ka socota ahlu sunna oo ka qaybagalysa shirkaas,Sheekha ayaa sheegay iney ka warhayaan in qorshayaasha shirka ay qayb ka yihiin in la magacaabo Mufti ay Soomaaliya yeelato arintaas oo uu ku tilmaamay iney tahay shir qool lasoo maleegay,dowladda ayuu ugu baaqay iney ka fiirsato dhiirigalinta waxyaabaha Diinta iyo dalka dhibaatada u horseedi kara sida uu sheegay.
Dhanka kale dowladda federaalka Soomaaliya ayaa beenisay sheegashada ahlu sunna ee ku saabsan ineysan shirka ka qaybgaleen cid matalaysan maamulkaasi,wasiir ku xigeenka Garsoorka Soomaaliya Xasan Maxamed Jimcaale ayaa sheegay inuu waxba kama jiraan yahay warka kasoo baxay ahlu sunna,wuxuuna tilmaamay iney shirka ka qaybgalayaan masuuliyiin ka tirsan maamulka ahlu sunna,shirkune uu yahay mid ay u dhan yihiin culimada Soomaaliyeed.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho