Image may be NSFW.
Clik here to view.Muqdisho(RBC) Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo shalay gaaray degmooyin ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose ayaa eedeyn kulul u jeediyey madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya,Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka ee gaaray Shabeelaha hoose ayaa dowladda ku eedeeyey iney ku kacday eex iyo nin jeclaysi.
Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in dowladdu ay u diiday qarashaadkii iyo tasiilaadkii kale ee ay u baahnaayeen si ay u gaaraan gobolka ay kasoo jeedaan,uguna kuurgalaan xaaladaha bulshada ku dhaqan gobolkaas si ay warbixinta waxyaabaha ay lasoo kulmeen u horgeeyaan fadhiga golaha baarlamaanka.
Xildhibaan Dalxa ayaa tilmaamay in dowladda ay kala fadishay mudanayaasha baarlamaanka,wuxuuna tibaaxay in qaarkood ay dowladdu diyaarado u kiraysay isla markaane ay u fududaysay sidii ay u gaari lahaayeen gobolada ay kasoo jeedaan,wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in iyaga ay dowladdu dhabarka u jeedisay sida uu sheegay.
Saddexda masuul ee ugu sareeya dalka ayuu sheegay iney ku lug leeyihiin caddaalad darrada loo geysanayo xildhibaanada ay ka midka yihiin,wuxuuna ku goodiyey iney fadhiyada baarlamaanka horgeyn doodaan tacadiyada iyo eexda lagula kacay.
Wuxuuna sheegay in dowladdu ay si wanaagsan u agaasinta qayb ka mid ah xildhibaanada kuwaas oo qaarkood raacay waftiyada madaxda sare ee gobolada gaaray,wuxuuna hoosta ka xariiqay in iyaga oo deegaanadoodu ay kulaalaan magaalada Muqdisho oo sida uu sheegay xitaa gaadiid dhulka ah ku tagi kara deegaanadooda in dowladdu ay dhegaha ka furaysatay ayna duudsiisay xaqii ay u lahaayeen iney helaan tasiilaadka ay u baahan yihiin si ay u gaaraan gobolada ay kasoo jeedaan.
Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay iney xaalad adag ay haysato dadka ku dhaqan gobolka Shabeelaha hoose,wuxuuna tilmaamay iney dowladdu ka gaabisay waxqabadkii ay shacabku ka sugayeen,wuxuuna dhanka kale u mahadceliyey taliska booliska oo xil weyn iska saaray sugidda amniga degmada Afgooye sida uu tilmaamay.
RBC Radio