Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan Sh oo Maamulka iyo waxgaradka Hiiraan kala hadlay sidii Al-shabaab looga saari lahaa gobolkaas

$
0
0

xasan sheekh madaxweynaha umada somaaliyeedBeledweyne(RBC Radio) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan SH Maxamuud oo ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa xalay halkaa kulamo kula qaatay madaxda maamulka gobolkaas,saraakiisha ciidamada,waxgaradka gobolka Hiiraan iyo qaybaha kale ee bulshada gobolkaas.

Madaxweynaha ayaa waxyaabaha uu kala hadlay bulshada gobolka Hiiraan waxaa ka mid ahayd sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada iyo degmooyinka gobolka Hiiraan ee ay wali gacanta ku hayaan,madaxweynaha ayaa ku booriyey maamulka iyo shacabka gobolka Hiiraan iney iska kaashadaan sidii gobolkaas looga sifayn lahaa kooxda Al-shabaab.

Agaasimaha warbaahinta madaxtooyada Soomaaliya Maaliki Cabdalla ayaa warbaahinta u sheegay in madaxweynuhu uu ku guubaabiyey maamulka iyo bulshada gobolka Hiiraan ee uu kulanka la qaatay iney la shaqeeyaan dowladda federaalka Soomaaliya isla markaane ay gacmaha isqabsadaan.

Maaliki ayaa sheegay in masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo odayaashii uu la kulmay madaxweynuhu iney dhankooda ballan qaadeen iney fulinayaan waxyaabaha kasoo baxay kulanka,wuxuuna intaa ku daray iney madaxweynaha u muujiyeen sida ay u taageersan yihiin dowladda.

Agaasimaha warbaahinta madaxtooyada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in safarka uu madaxweynuhu ku tagay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan inuu qayb ka yahay,socdaallo uu madaxweyne Xasan SH ku mari doono dhammaan gobolada dalka ka hor inta aan la gaarin 16ka bishan Sep. oo uu furmayo shirka Brussles ee looga hadlayo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

 

RBC Radio

Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles