Beledweyne (RBC) Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta waxay kulamo la yeelanayaan maamulka gobolka iyo bulshada deegaanka.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ay ka mid yihiin saraakiisha booliska, nabadsugida iyo wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ayaa xalay kulan gaaban waxay la yeesheen maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada AMISOM ee ka socda Jabuuti ee ku suganBeledweyne, waxaana kulankaasi looga hadlay booqashada madaxweynaha iyo xaaladaha amni ee Beledweyne.
Maanta ayaa lagu wadaa in madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa socdaal booqasho ah ku maraan xeryaha ciidamada sida Xerada Lama Galaay ee lagu tababaro ciidamada dawlada, xarunta maamulka gobolka, degmada iyo taliska ciidamada AMISOM.
Booqashada kadib ayaa waxaa madaxweynaha lagu wadaa inuu kulamo la qaato odayaasha reer Hiiraan, ururada bulshada sida haweenka iyo dhalinyarada iyo masuuliyiinta amaanka oo ay ku jiraan kuwa AMISOM.
Waqtiga maamulka gobolka Hiiraan hadda ka shaqeeya oo ahaa ku-meelgaar ayaa dhamaaday, waxaana wararka ay sheegayaan in madaxweynaha uu arintaasi kala hadli doono odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiinta uu la kulmayo, iyadoo la rajeynayo in madaxweynaha uu dadka reer Hiiran ugu baaqo inay soo xushaan maamulka dadka u noqon doona maamulkan kadib.
Waxaa jira khilaaf u dhexeeya saraakiisha maamulka gobolka Hiiraan ee hadda shaqeynaya, iyadoo booqashada madaxweynahana ay ku soo beegantay xilli ay soo baxayeen baaqyo ku wajahan in la bedelo maamulka uu hogaamiyo Cabdi Faarax Laqanyo.
RBC Radio