Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Saraakiisha Booliska Gobolka Banaadir oo Xilalka Laga Qaaday Kadib Qaraxyadii Ka Dhacay Muqdisho

$
0
0

qqMuqdisho (RBC) Sida ay xaqioijiyeen saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya waxaa xilalkii laga qaaday saraakiishii booliska gobolka Banaadir u qaabilsanaa dawlada kadib markii qaraxyo ay ka dheceen magaalada Muqdisho.

Taliyihii booliska gobolka Banaadir Gen Garaad Xasan iyo taliyihii hawlgalinta booliska Gen Abuukar Cali Axmed ayaa labadaba xilalka laga xayuubiyey laguna amray inaysan wax dhaqdhaqaaq ah sameyn karin.

Labadan sarkaal ayaa ka mid ahaa taliyayaasha cusub ee booliska ee ay dhowaan magacawday dawlada federaalka Soomaaliya.

Wararka aan ka heleyno wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegaya in labadan sarkaal lagu wado baaritaan kadib markii wasiirka arrimaha gudaha uu amray in shaqada laga joojiyo, lagana xayiro dhaqdhaqaaqyada.

Toddobaadyadii la soo dhaafey waxaa sare u sii kacayey eedaha loo jeedinayo masuuliyiinta amaanka ee dawlada kadib markii qaraxyo loo adeegsaday miinooyin ay ka dheceen magaalada Muqdisho maalinimadii Sabtida kuwaasoo ay ku dhinteen in ka badan 20 ruux ayna ku dhaawacmeen soddomeeyo kale oo rayid ah.

Xil ka qaadistan ayaa waxay noqoneysaa midii ugu horreysay oo masuul ka tirsan hay’adaha dawlada xilka looga qaado wax ka qabasho la’aanta dhinaca amaanka.

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles