Jowhar(RBC) Qabanqaabo lagu soo dhaweynayo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka ka socota magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose,madaxweynaha oo xalay ku hoyday magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa maanta laa filayaa inuu gaaro magaalada Jowhar.
Maamulka degmada Jowhar iyo dadweyne aad u fara badan oo ka qayb qaadanaya soo dhaweynta madaxweynaha Soomaaliya ayaa xiligan ku sugan gudaha garoonka diyaaradaha Jowhar,ciidamo aad i tira badan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo qaar kamid ah ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha ayaa xalay gaaray magaalada Jowhar si ay u xaqiijiyaan amniga madaxweynaha.
Amniga goobta la qorsheeyey inuu dago madaxweyne Xasan SH iyo guud ahaan magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyey,waxaana Labdii habeen uu u danbeeyey garoonka Kubbadda Cagta magaalada Jowhar ku hoyanayey ciidanka dowladda oo ilaalo ka hayey.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in marka uu gaaro magaalada Jowhar uu halkaa kulamo kula qaato masuuliyiinta maamulka gobolkaas,saraakiisha ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Shabeelaha hoose,shalay ayaa laga sugayey in madaxweynuhu uu gaaro magaalada Jowhar balse goor danbe ayaa waxaa soo baxay in Safarkii madaxweynaha ee Jowhar loo weeciyey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho