Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan SH Maxamuud iyo wafti ballaaran oo uu hogaaminayo oo galabta gaaray magaalada Beledweyne

$
0
0

madaxweynaha kormeerBeledweyne(RBC Radio) Wafti ballaaran oo uu horkacayo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud ayaa galabta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,waftiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Ugaas Khaliif ee Beledweyne si weyn ugu soo dhaweeyey masuuliyiinta gobolka Hiiraan,saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Reer Hiiraan.

Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehlinaya masuuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka,Taliyaasha ciidamada Milateriga,Booliska iyo Nabad sugidda iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Amniga magaalada Beledweyne ayaa si weyn loo adkeeyey,waxaana sugidda amniga iska kaashanaya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweynaha ayaa war kooban oo uu garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne kusiiyey wariyaasha waxa uu ku sheegay inuu caawa ku hoyanayo Beledweyne isla markaane uu kulamo la qaadanayo masuuliyiinta gobolka Hiiraan iyo qaybaha kala duwan ee bushada ku dhaqan gobolkaas.

Safarka Madaxweynaha ayaa qayb ka ah socdaalo uu ku marayo gobolada,wuxuuna hore u sheegay inuu tagi dooni gobolada dalka ka hor inta aan la gaarin shirka bartamaha bishan Sep. ka furmaya magaalada Brussles ee xarunta wadamada Midowga Yurub.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles