Muqdisho(RBC Radio) Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil wasiirkii hore ee dastuurka Soomaaliya ayaa ku sheegay dadka ku doodaya in Dastuurka isbedel lagu sameeyey iney yihiin kuwo doonaya iney dalka galiyaan qalqal Siyaasadeed,wuxuuna meesha ka saaray in wax isbedel ah lagu sameyey Dastuurkii federaalka Soomaaliya ee ay Saxiixeen Saxaaxayaashii Hab raaca geedi socodka nabadda Soomaaliya.
C/raxmaan Xoosho Jibriil ayaa isweydiiyey sasabta ku xambaari karta dowladda federaalka Soomaaliya iney wax ka bedesho Dastuurka kumeelgaarka ah,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday ineysan sal iyo raad toona lahayn eedeymaha la xiriira in isbedel lagu sameeyey qodobada Dastuurka,wuxuuna tilmaamay in hawlaha Dastuurku ay soo socdeen ilaa sanadkii 2004tii.
Xildhibaanka ayaa sheegay in madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan SH Maxamed Faroole uu yahay shakhsiga kaliya ee ku doodaya in wax laga bedelay Dastuurk,wuxuuna tibaaxay 6dii Saxeexe ee kale ineysan la wadaagin Faroole,wuxuuna sheegay inuu isagu garanayo ujeedooyinka C/raxmaan Faroole ee la xiriira eedeymaha Dastuurka.
“C/raxmaan Faroole awood sare ayuu ku lahaa arimaha Dastuurka xiligii Saxeexayaasha ,waline taas ayuu usii hanqal taagayaa,wuxuu waxaas u samaynayaa sidii uu dalka qalqal siyaaseed u galin lahaa,wuxuu sidoo kale doonayaa inuu indhaha shacabka ka weeciyo dhibaatada isaga ka haysata gudaha Puntland”sidaasi waxaa yiri Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil.
Xildhibaanka ayaa cod dheer ku sheegay in xiligan loo baahan yahay in laga fekero sidii dalka looga saari lahaa dhibaatada uu ku jiro,wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in dowladda federaalka lagu eedeeyo arimo aysan waxba ka jirin,Puntland ayaa ku dhawaaqday iney xiriirka u jartay dowladda federaalka Soomaaliya kadib markii dowladdu ay isbedel ku sayaaysay 25 qodob oo Dastuurka kamid ah sida ay ku doodeen masuuliyiinta maamulka Puntland.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho