Garoowe[RBC Radio] Wasiir Dowlaha Dekadaha,Gaadiidka Badda Iyo la dagaalanka Burcadbadeeda Mudane Cabdishakuur Mire Aadam ayaa ka dhawaajiyey in loo baahanyahay in laga hadlo aayaha Carruurta reer Puntland.
Mudane Cabdishakuur Mire Aadam oo kaga hadlay arrinta Shir Jaraa’id oo ay si wadajir u qabteen Wasiirka Warfaafinta ayaa mar kale ku celiyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Is hortaag ku sameysay Deeq loogu talagalay ardeyda reer Puntland ah.
DHAGEYSO: Cabdishakuur Mire Aadam[Carruurteena Reer PuntlandDHAGEYSO: Cabdishakuur Mire Aadam[Carruurteena Reer Puntland
…””Dowladda Federaalka ah waxay is hortaagtay 400 arday oo reer Puntland ah oo Waxbarasho u aadi lahaa Suudaan,haday ahaan lahayd Deeq Waxbarasho oo Suudaan bixiso ama kuwa Iskood u aada Suudaan…””ayuu yiri.
Wuxuu tilmaamay Mudane Cabdishakuur in maanta loogu yeerayo Carruurta Xarumaha Waxbarashada looguna yeerao Iskuulada.
Danbi-weyn!!
Cabdishakuur Mire ayaa Intaas ku daray danbiga ay yeelan karaan inta uu leeg yahay Wasiir Dowlaha arrimaha dibada iyo Safiirka Suudaan u fadhiya Soomaaliya in 400-arday Is hortaag ku sameeyaan.
….”” Waxaad garan kartaan maanta Waxbarashada ayaa dadka loogu yeerayaa hal malyan oo Carruur ah ayaa la leeyahay Iskoolka aada oo aan Iskuulada aadin,Inee buu leeg yahay danbiga ah Wasiiru Dowlaha arrimaha dibada iyo Safiirka Suudaan 400 arday qofka hor Istaagay…””ayuu yiri.
Dhaliisha Federaalka!
Wasiir Dowlaha Dekadaha,Gaadiidka Badda Iyo la dagaalanka Burcadbadeeda Mudane Cabdishakuur Mire Aadam ayaa sheegay in Dowladda FDS dhaliisha ugu weyn ay u hayaan ay tahay iney meesha ka saaraan Ubadka reer Puntland.
…””Waxyaalaha ugu waa weyn oo Dowladda Federaalka ku diidanahay in Ubadka reer Puntland oo Ubad Soomaaliyeed ah in meesha laga saaro….””ayuu yiri Cabdishakuur.
Wasiirka Adeegga Bulshada Soomaaliya Drs Mayama Qaasim ayuu sheegay Mudane Cabdishakuur in ay shaaca ka qaaday in Puntland kaalinta kowaad kaga jirto Waxbarashada dalka isla markaana ay Warqad u dirtay Suudaan.
Danbiilayaal dagaal!!
Mudane Cabdishakuur Mire Aadam oo Shirkiisa Jaraa’id uu koobnaa ayaa sheegay in kuwa diiday Waxbarashada Ubadka reer Puntland ay yihiin danbiilayaal dagaal oo ula Jeeday Wasiir Dowlaha arrimaha dibada iyo Safiirka Suudaan u fadhiya Soomaaliya.
…”” Cidii dhalinyarada u diiday iney wax bartaan ayaa hadaan ka riday kuwaasi waxay lamid yihiin danbiilayaal dagaal waa Safiirka Soomaaliya Suudaan u fadhiya iyo Wasiir Dowlaha arrimaha dibada Soomaaliya,waxayna dib usoo celiyeen dagaalkii qabaa’ilka Soomaaliya….””ayuu yiri mar kale.
Soomaali Isma-hayso!!
Wasiir Dowlaha Dekadaha,Gaadiidka Badda Iyo la dagaalanka Burcadbadeeda Mudane Cabdishakuur Mire Aadam ayaa tilmaamay in Soomaali aysan qabiil qabiil Isu hayn isla markaana Ummadu ay tahay mid Is dhexmarta.
…””Maanta Soomaaliya isuma hayso Qabiil qabiil mana dagaalsana Mujtamacuna wuu is dhexmaraan taas ayaa Iftiin waxay u tahay in Dowladda Federaalka ah ay la dirirayso dadka reer Puntland …..”””ayuu yiri.
Dowladda Puntland Iyo Shacabkeeda ayaa ku dhaliilaya Dowladda Soomaaliya in ay Is hortaag ku sameysay Deeq Waxbarasho oo Suudaan laga helay,balse weli kama aysan hadlin eedeyntaas Dowladda Soomaaliya.
______________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso