Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20259

Gudoonka baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in 10ka bishan uu si rasmi ah u furmayo kala fadhiga 3aad ee baarlamaanka federaalka

Image may be NSFW.
Clik here to view.
jawaari shir jaraa'id
Muqdisho(RBC Radio) Gudoonka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa oo maanta kormeeray dhismaha xarunta golaha shacabka ayaa ku dhawaaqay waqtiga uu sida rasiga ah u furmayo Kala Fadhiga 3aad ee golaha baarlamaanka  federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha baarlamaanka federaalka  Soomaaliya Maxamed SH Cismaan Jawaari oo wariyaasha kula hadlayey xarunta golaha shacabka ayaa sheegay in Maalinimada Talaadada ah ee soo aaddan oo taariikhdu ay ku beegan tahay 10ka bisha Sep. uu si rasmi ah u furmayo kala fadhiga 3aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa ku amray dhammaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iney kusoo xaroodaan magaalada Muqdisho ee caasiadda dalka oo ah fadhiga baarlamaanka,wuxuuna hoosta ka xariiqay iney baarlamaanka u yaallaan hawlo adag oo shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan iney qabtaan.

Maxamed SH Cismaan Jawaari gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa dhanka kale u mahad celiyey dadweynaha ku dhaqan degmooyinka Hawl-wadaag iyo Wardhiigley ee magaalada Muqdisho kuwaas oo hawlo dayactir ah ka sameeyey xarunta golaha shacabka iyo naxaawigeeda.

Gudoomiyaha ayaa sheegay iney shacabka degmooyinkaasi guteen xil qaran oo weyn iyaga oo matalaya guud ahaan shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna hoosta ka xariiqay in shacabka iyo baarlamaanka ay mid yihiin,xildhibaanada baarlamaankune ay ku hadlaan afka shacabka Soomaaliyeed.

Mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa bishii u danbeysay ku jiray fasax kadib markii uu xirmay kala fadhigii Labaad ee baarlamaanka,mudanayaasha ayaa sidoo kale muddo bil ah shaqaynayey kadib markii uu sidaas ka dalbaday madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan SH Maxamuud.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20259

Trending Articles