Puntland waxay ku dhaliishay Mudane Jaamac Cali Jaamac inuu miis la fariistay dad ay Puntland ku sheegtay iney Iibsadeen Badda Soomaaliya isla markaana Bililiqeystay Hantidii Ummada ka dhaxeysay balse taasi aysan ku farxin Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta Hidaha iyo Dhaqanka Puntland Axmed Shiikh Jaamac oo Saxaafada la haday ayaa sheegay in Puntland ka xuntahay in Mudane Jaamac Cali Jaamac ka qeybgalo Shirweynihii Geesi Socodka Siyaasada Soomaaliya.
DHAGAYSO: Wasiirka Warfaafinta Puntland Axmed Shiikh Jaamac oo dhaliilaya Jaamac Cali Jaamac
Mudane Axmed Shiikh Jaamac ayaa tilmaamay in Jaamac kala qeybgalay sidoo kale Xubnihii u Wershadihii Qaranka u Iib geystay dibada.
….” Cidina kama filayn laguma farxayo Mudane Jaamac Cali Jaamac Isagoo miisaankas leh oo Soomaalida oo dhan u hayso inuu soo hor fariisto kuwii boobay agabkii Muuseum-ka Qaranka oo u ka dhageysto Khudbad ah Qorsha Aayaha Soomaaliya…””ayuu yiri.
Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Puntland ay xuntahay in Madaxweynihii hore ee Puntland Jaamac uu afhayeen u noday kuwii Shirka ku sugnaa isla markaana Isa soo taago meel fagaare ah.
Puntland oo amaantay Caasho Geele!
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta Hidaha iyo Dhaqanka Puntland Axmed Shiikh Jaamac ayaa amaan usoo Jeediyey Wasiirkii hore ee Haweenka Caasho Geelle Diiriye oo ka qeybgashay Shirweynihii Geedi socodka Siyaasada Soomaaliya.
…”” Caasho Geelle,waxaan leeyahay waa gabar aad iyo aad u qaali ah,waa gabar sarre,waa gabar Soomaaliya oo dhan qaali ku ah,Puntland qaali ku ah Shacabka Soomaaliyeed oo dhana qaali ku ah …””ayuu yiri.
Kama hadlin Wasiirku sida ay u arkaan ka qeybgalka Shirkaas Wasiirkii hore ee Haweenka Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye.
Dhaliisha loo Jeediyey Madaxweynihii hore ee Puntland Jaamac Cali Jaamac ka sokow Marwo Caasho Geelle,waxay khudbad kasoo Jeedisay Xiritaankii Shirka,Iyadoona ku talisay in laga miro dhaliyo arrimaha lagawada hadlay.
Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa Tacsi u diray Ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii shalay ka dhacay Magaaladda Muqdisho,wuxuuna EEBE uga baryey in kuwa dhaawacu soo gaarayna Caafimaad u rajeeyey.
Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Jaamac Cali Jaamac eedeynta loo soo Jeediyey kama uusan hadlin.
_______________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso